|

Barack Obama oo booqan doono Israel iyo Falastiin

Washington March 20 2013 (SDN)– Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa lagu wadaa in uu u duulo  Israel markii ugu horeysay tan iyo markii dib loogu soo doortay hogaaminta Qaranka Maraykanka.

Obama ayaa sidoo kale tagi doona dhulka Reer Falastiiniyiinta halkaasi oo laga yaabaa in uu kula kulmo Hogaamiyaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabas Abuu Masim.

Inta uu joogo Israel waxaa uu la kulmi doonaa Madaxweynaha Maraykanka Ra’iisul wasaaraha Israel Natanyahu iyadoo sidoo kale Obama uu qudbad u jeedin doono shacabka Irael.

Xiriirka Washington iyo Talabiib ayaan hagaasaneyn tan iyo intii uu Aqalka Cad taladiisa qabtay Madaxweynaha Madow ee Barack Obama waxaana uu aad uga soo horjeestay qorshayaal Israel ay deegaameyn uga sameyn laheyd dhulka Falastiiniyiinta.

Comments are closed