|

Baraawe: Adkayso Alshaqaaq Waa Shulaayaan​e

Hadaan nahay Soomaali, dagaalkii sokeeye iyo dhibtii aan ka dhaxalnay, waxaa uu ALLAH nagu samatabixiyey diinteena macaan, dhaqankeena iyo dhiiga na mideeya. Soomaalinimada waa mid soo jirayn ah, oo aan si fudud ku go’ayn, madaama hore loo yiri “Soomaali waa is dishaa, laakiin isma qadiso” Aqristow meel aan ka maqlay maahmaahdaas ma xasuusto, laakiin waa ra’yi fiican oo tilmaamaaya wax qaybsiga Soomaalida.
Warka dulucdiisa aan u soo noqdee, maalin iyo cawo, miday u tahay reer Baraawe, waxaa hada ka taliya Baraawadii aan ka soo baxay maalintii iigu danbeeysey dalkayga hooyo, Soomaaliya, koox yar oo uu buufis ku dhacay, iyaga oo dadkii ku gowracaaya waxaa tahay basaas. Waxaysan ogayn in dad ay ku dileen “waxaa tahay basaas”, ay AAKHIRO ku sugaayaan. Mida kale, ma dadka quluubtooda ayey daalacdaa? Miyeysan ka war qabin in dani (malo) iyo qirasho cabsi keentay (jirdil) in aan waxba lagu xakumi karin? Sidoo kale, ma laga yaabaa in dadka waa jaajuus ay ku dileen ama ugu xiran in dhimirka looga jirey? Ma laga yaabaa dadka waa jaajuus ay ku dileen ama ugu xiran in qabiil awgeed loo nabay – ilaa Soomaali qabyaaladi kama dhamaatee?
Hadaba Reer Baraawe waxay ka soo gudbeen dhacdooyin badan, bal aan idin xasuusiyo bilowgii qaxii dagaalkii sokeeye. Waxaa horaantii sanadkii 1991kii magaalada Baraawe noogu imaadey Sheikh Abdullahi Lakeray (AUN). Waxaa uu nagula kulmay masaajidka ugu wayn Baraawe. Waxaana uu noo sheegay in Baraawe ay usoo gurmadeen ka dib markii maqleen in dhib ay ka jirto magaalada. Sheikha (AUN) waa uu ka gaabsaday in uu cid dusha eeda ka saaro, afgobaadsi owgeed [diplomasinimo] : https://www.youtube.com/watch?v=3Y3W6NEnt44. Waxaa kale oo uu intaa ku daray in ay dhinacaas iyo Buurhakaba ay ku badbaadiyeen gabdho la dhashay Sheikh Abdirashid Ali Suufi.
 
Galabtaas, waxaa halkaa joogay nin Engineer ah oo reer Baraawe ah, waxaa uu yiri “hal habeen dhibta USCda ku gaarsiisey dadka reer Baraawe, Siyaad Barre kuma gaarsiin 21 sano” Engineerki waxaa laga soo galay dhinacyada. Nasiib wanaag, waxaa halkaas joogay ardaydii Sheikha qaar ka mida oo reer Waaberi iyo Hodan iskugu jiray, iyo dad fara badan oo aan anigu ka mid ahaay, waxaana dhamaanteen codsanay in Engineerka loo ogolaado in Sheikha uu u bandhigo fikradiisa. Akhiyaartiina waa laga yeelay codsigii.
Isla ayaamahaas, waxaa magaalada dhinaciisa ka joogay Korneel Mohamud Shabeel, waxaana uu magaalada waraysi ku siiyey wariyaal ajnabi. Waxaan maqlay in uu yuri “dad rayid ah oo reer Baraawe oo dhib loo gaystey ma jiraan”. Taas oo aan markale wax ka qori doono – InshaaALLAH.
Marka, Baraawe cadey, waqtigii dagaalka waa lagu soo dhaafey, waa lagu sii dhaafey, waadna ka soo kabsatey, waxaase maanta ciidaada ku sugan alshaqaaq, iyakana waa socdaane adkayso.
Afeefasho: fadlan qoraalkaan aan qoray qofna noloshiisa ha ku maleegin, maxaa yeelay ruux aan ka kasaayo baraawe ma jiro, qaxaan ku imid, waana uga soo baxay horaantii sanadkii 1991dii, ka dib markii qaar ka mida culimadii hore ee Xamar ee aan cilmiga ka raacan jirnay sida (Masaajidka Ceel Hindi iyo Masaajidkii Weheliye “AUN”) oo ka mid ahaa Sheikh Abdulkaadir Lakarey AUN ay islaax ka dhaliyeen magaalada dhexdeeda.
Waxaa soo aruuriyey: Mohamed Barre – Junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana Magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com

Comments are closed