|

Banka Aduunka oo Soomaaliya ugu yaboohay $18 Million

Nairobi May 28, 2024 (QJ) -Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Afrika ayaa maanta kala saxiixday heshiis ku kacaya 18 milyan oo doolar oo wax looga qabanayo arrimaha deegaanka iyo sidii loo yareyn lahaa saameynta isbeddelka cimilada.

Heshiiskan maaliyadeed waxa si wada jir ah u saxeexay wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, iyo guddoomiye ku xigeenka bangiga horumarinta Afrika, Dr. Beth Dunford. Heshiiskan ayaa la filayaa inuu noqdo mid faa’iido badan u leh dowladda Soomaaliya.

Wasiir Cige oo hadal ka jeediyay munaasabadda heshiiska ayaa ku dheeraaday faa’iidada uu mashruucan u leeyahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan beeralayda iyo xoolo dhaqatada iyo doorka uu ku leeyahay wax ka qabashada dhibaatooyinka soo noqnoqda ee fatahaadaha iyo abaaraha.

Shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa dib u habeynta hay’adaha maaliyadda ee Afrika iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada.

Comments are closed