Bangkok: Milateriga oo afgambi kula wareegay talada Thailand, maxaadse kala socotaa tirada inqilaabyada hirgalay ee ciidanka dalkaasi ku hantiyeen xukunka?
Bangkok 22, May 2014 (SDN)- Milateriga Thailand ayaa Khamiista maanta afgambi kula wareegay xukunka dawladda dalkaas, iyadoo inqilaabkani uu awoodda Raysul-wasaarenimada siiyay ninka ugu sareeya ciidamada Thailand.
Sida uu ku waramay Telefishanka CNN, saraakiisha milateriga dalkaasi waxay sidoo kale maanta ku dhawaaqeen bandoo laga bilaabo saacadda 10-ka habeenimo ilaa shanta subaxnimo ee xilliga waqtigaas, siday masuuliyiintu ka sheegeen khudbad Telefishanka laga baahiyay.
Warku wuxuu intaa ku daray, in Milaterigu sidoo kale amar ku bixiyay in la laalay distoorka dalkaas oo la ansixiyay sannadkii 2007, marka laga reebo cutubkiisa labaad oo sheegaya in Boqorku uu yahay hoggaamiyaha qaranka Thailand.
Milaterigu wuxuu Salaasaddii doraad sheegay inuu xukun degdeg ah soo rogay, si uu isugu dayo inuu soo afjaro degenaansho la’aanta dalkaas ka taagan, balse wuxuu sheegay in aanay afgambi ahayn. Laakiin, hadda wuxuu si buuxda ula wareegay awoodda dalkaas, sida CNN baahiyay.
Sida warku sheegay, milaterigu wuxuu sidoo kale amaro culus ku soo rogay warbaahinta dawladdu maamusho oo ay ku amreen in keliya ay baahiyaan astaanka milateriga Thailand.
Waxa kale oo Milaterigu amray in dhammaan dugsiyada waxbarasho ee dalkaasi ay Jimcaha laga bilaabo xidhnaanayaan muddo saddex maalmood.
Dhammaan dadka reer Thailand, waa kuwo ka dheregsan afgambiyada oo muddooyin badan ka dhacay dalkaas, maadaama uu afgambiga maantu noqonayo kii 12aad ee Milaterigu si guul ah kula wareegeen awoodda dalka Thailand tan iyo sannadkii 1932 markii dalkaasi noqday Boqortooyada Distooriga ah.
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo awoodda uu Milaterigu la wareegay ee dalka Thailand, wuxuuna ku baaqay in dib loo soo celiyo xukunkii rayidka, distooriga iyo dimoqraadiga ahaa ee ka talinayay dalkaas.
Qurbejoog.com, Bangkok