Bandow Xalay ka dhaqan galay Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe
Jowhar Dec 10 2012 (SDN)—Markii ugu horeysay muddo afar sano kadib ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ay usuura gashay inay gacanta ku dhigaan Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa xalay waxa ay halkaasi ka dhigeen bandoow.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa xalay guud ahaan Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe waxa ay galiyaan bandoow ka biloowday maqribkii kuna ekaa saaka waaberigii.
Majirin dhaqdhaqaaq ganacsi iyo isu socod dadka oo ku aadan gudaha Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Qaar kamid ah dadka ku nool Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa soo sheegaya in ciidamada Dowladda Soomaaliya xalay oo dhan ay dhexwareegayeen xaafadaha Magaaladaasi kuwaasi oo adkeynaye ammaanka.
Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay Magaalada ka dageen goobo mucayin ah islamarkaana ay gudaha Magaalada si toos ah ugu jirin.
Dowladda Soomaaliya ciidankeeda ayaa la sheegay inay dhexwareegayaan Magaalada iyaga oo ku dadaalaya adkeynta ammaanka Magaalada Muqdisho.
Shacabka Degmada Jowhar ayaa dareemayaa isbedel dhanka maamulka ah oo biloow ah Degmada Jowhar muddo sanado ah kadib.
SDN-Jowhar