Banaan bax Macnayaal badan leh oo ka dhacay Magaalada Laascaanood iyo Astaanta Somaliland oo la Gubay
Bujumbura 19.May 2015 (SDN/QJ)-Banaanbax la sheegay in lagaga soo horjeedo Maamulka Somaaliland,kuwa kalena ku doodeen inay ku diidan yihiin Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa Shalay ka dhacay Xaafad ka tirsan Magaalada Laascaano ee gobol Sool.
Inkastoo siyaabo kala duwan loo fasiray ujeedada banaan baxayaasha ayaa dadka qaarkii ku sheegeen in lagu diidanaa Munaasibada 18 May oo ah 24 Guuradii ka soo Wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland,Halka dad kalena ay Sheegeen in dadku diidanaayeen Mudo kordhintii dhawaan golaha guurtidu u sameeyeen Cimriga Xukuumada.
Dad ku Sugnaa Goobtaas ayaa noo sheegay inay is hor istaageen damacii isu soo baxa ciidamada Qaranka ee Somaliland kuwaas oo si weyn ula socday dhaqdhaqaaqa Nabadgalyada.
Dadka baanan baxayey ayaa si teel teel ah waxay socod ugu mareen Wadada Halbawlaha ah ee Laascaanood iyagoo qaarkood ay gubeen astaamo ka mid ah kuwa Somaliland.
Ciidamada qaranka oo uu horkacayo Wasiirul dawlaha Nabadaynta Gobolada bari Mudane Cali Sandule ayaa qasab ku kala eryay isu soo baxayaasha iyadoo kuwii abaabulka lahaana Xabsiga loo taxaabay.
Dhinaca kale Munaasibada lagu xusayay 24 Guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland ayaa ka qabsoontay Magaalada Laascaanood.