Banaabax Looga soo horjeedo Maamuladii looga dhawaaqay Kismaayo oo halkaasi maanta ka dhacay
Kismaayo May 19 2013 (SDN)– Banaabax looga soo horjeeday doorashadii dhawaan ka dhacaday Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose ayaa maanta waxa uu ka dhacay xaafado katirsan Magaaladaasi.
Banaabaxan oo ay ka qeybqaadanayeen qeybaha bulshada sida Ardayda, haweenka, dhaliyarada iyo waxgaradka ayaa ahaa mid looga soo horjeedo doorashadii dhawaan logu doortay Axmed Madoobe oo ahaa hogaamiyihii Maleeshiyaadka taabacsan Kenya ee Raaskambooni.
Qaar kamid dadkii ka qeybgalay Banaabaxa oo warbaahinta la hadalay ayaa waxa ay sheegeen in banaabaxa ay u dhigeen sida ay umujiyaan shacbiga Reer Kismaayo uusan diyaar u aheyn waxa ka dhacay Kismaayo ee ku aadan maamulada looga dhawaaqay.
Banaabaxayaasha ayaa dalbanayay in la joojiyo marin hababinta gobolada Jubooyinka lagu wado waxana ay ku baaqeen in si loo dhan yahay loo doorto maamul dowladda ay ka warheyso oo goboladaasi hogaamiyay.
Banaabaxa ayaa ku soo aadaya xilli Kismaayo ay gaareen wafdi kala duwan kuwaasi oo xogo ku aadan xaalada Kismaayo baadi goobayay.