Banaabax lagu taageerayo Ra’iisul wasaare Saacid oo maanta ka dhacay Muqdisho
Muqdisho May 21 2013 (SDN)— Banaabax lagu taageerayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, islamarkaana looga soo horjeeday Mowshinka laga geynayo R/wasaare Saacid ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Banaanaxayaasha oo gaarayay Boqolaal Ruux oo isugu jiray hablo,dhalinyaro, Arday iyo dad kale ayaa waxa uu ka dhacay baxada Sayidka ee u dhaw dhismaha Barlamaanka ee xarunta golaha Shacabka.
Dadka banaabaxa ka qeybqaadanayay ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen Erayo ay uga soo horjeedaan Moshinka laga keenayo Ra’iisul wasaare Saacid, waxaan ay wateen Boorar ay ku xardhanyihiin “Mooshin keene iyo Miine aase waa isku mid”.
Banaabaxa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay sida warar hoose ay sheegayaan xubno taageersan xafiiska Ra’iisul wasaaaraha iyo dad taageersan Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha dalka iyadoo qaar ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka ay ku dhawaaqeen inay la noqdeen mooshinka Ra’iisul Wasaaraha ay ka gudbiyeen.
Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu warmayaa in maalinta beri ah ay hortagto Barlamanka Jamhuuriyada Soomaaliya.
SDN-Muqdisho