Banaabax Lagu taageerayay Axmed Madoobe loogana soo horjeeday dowladda oo ka dhacay Kismaayo
Kismaayo May 26 2013 (SDN)— Banaabax lagu taageerayay Maamulka Jubaland ee garabka Axmed Madoobe islamarkaana looga soo horjeeday siyaasada dowladda ee Jubooyinka ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose.
Banaabaxa ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay boqolaar ruux kuwaasi oo isugu jiray Arday, ganacsato, haweyn iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo.
Dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqay Erayo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, waxaana ay ka dalbanayeen dowladda in ay joojiso faragalinta ay ku heyso gobolka Jubooyinka.
Qaar kamid ah dadkii ka qeybqaadanayay banaabaxa ayaa waxa ay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in joojiso faragalinta guracan ee ay ku heyso Jubooyinka waxaana ay tilmaameen in ay xaq u leeyihiin in ay sameystaan maamul iyaga u gaar ah laakiin hoos yimdaada dowladda Soomaaliya.
Afhayeenka maamulka KMG ah ee ka jira Kismaay ayaa waxa uu sheegay in banaabaxyada lagu taageerayo maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe kaliya aysan ka dhicin Makaalada Kismaayo balase ay ka dheceen deegaano kale oo ka tirsan gobolkaasi.
SDN-Kismaayo