Banaabax Balaaran oo uu ka qeybgalay Ra’iisul waaaraha Soomaaliya oo maanta kadhacay Muqdisho
Muqdisho Jan 21 2013 (SDN)— Banaanbaxani oo ahaa mid ballaaran islamarkaana uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobalka Banaadir ayaa maanta waxa uu ka dhacay Beerta Nabadda ee Degmada Xamarweyne ee Gobalka Banaadir.
Waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiinta uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka,Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo sidoo kale qaar kamid ah taliyeyaasha ciidanka Dowladda.
Banaanbaxa ayaa ujeedkiisa wuxuu ahaa mid lagu taageeraaye aqoonsiga Dowladda Mareykanka ay aqoonsatay Dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo hadal goobta ka jeediyay ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Mareykanka ay soo dhaweynayaan aqoonsiga ay aqoonsatay Dowladda Soomaaliya.
Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu kasoo qeybgalo goob ay isugu yimaadeen shacab muujinaya dareenkooda ku aadan sida ay u arkaan aqoonsiga Dowladda Mareykanka ay aqoonsatay dalka Soomaaliya uuna soo dhaweynayo.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa isna dhankiisa sheegay inuu soo dhaweynayo aqoonsiga Mareykanka ee Soomaaliya,isaga oo umahadceliyay shacabka Soomaaliyeed ee maanta banaanbaxa isugu yimid iyo Dowladda Mareykanka intaba.
Banaanbaxa maanta ayaa wuxuu kusoo aadaya xilli dhawaan Dowladda Mareykanka ay shaacisay in dalka Soomaaliya ay aqoonsatay muddo 22-sano kadib.
SDN-Muqdisho