Banaabax Balaaran oo lagu taagerayay xildhibaanadii mowshinka ka laabtay iyo Sanad guurada AU oo ka dhacay Muqdisho
Muqdisho May 23 2013 (SDN)— Banaabax uu soo qaban qaabiyay Maamulka gobolka Banadir ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Banaabaxa oo ahaa mid balaaran islamarkaana ay ka qeybqaadanayeen shacbi ka kala yimid degmooyinka gobolkan Banaadir ayaa waxa uu ka dhacay Fagaaraha Sayid ee Magaalada Muqdisho oo u dhaw Xarunta golaha shacbiga Soomaaliyeed.
Banaabaxa ayaa u jeedkiisu uu ahaa taageero loo muujinayay Xildhibaanadii ka laabtay mowshikii Xukuumada Ra’iisul wasaare Saacid iyo Hanbalyo loowaday Midowga Afrika.
Waxa ka qeybgalay Banaabaxaasi madax kala duwan oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Xubno kale.
Mas’uuliyiintii banaabaxaasi ka qeybgashay ayaa u mahad celiyay xildhibaanadii ka tanaasulay mowshinkii xukuumada laga geyn lahaa Barlamanka waxaana ay ku tilmaameen in ay noqdeen kuwa qaatay dhawaqa dad weynaha ka soo yeerayay.
Sidoo kale waxaa loo hanbalyeeray Ururka Midowga Afrika oo dhawaan u dabaal dagi doona Sanadguuradii 50-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay Ururkaasi iyadoo Soomaaliyana ay xubin ka tahay.
SDN-Muqdisho