Ban Ki Moon:Waa in la kordhiyaa xiliga KMG ah ee Soomaaliya
New York Aug 27,2012(SDN)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon ayaa kolkii u horeysay ka dhawaajiyay suurtogalnimada kordhinta mudada Dawlada FKMG ah ee Soomaaliya ka dib kolkii dib u dhacyo badani ay hareeyeen hanaanka Roadmapka.
Xoghayaha QM ayaa maanta war uu shaaciyay ku sheegay in aaney suurto gal aheyn in haatan la dhameystiro Roadmapka oo loo gudbo xulida dawlad iyo baarlamaan cuusb.
Ban Ki Moon waxa kale oo uu sheegay in ay tahay in mudada loo kordhiyo DFKMG ah ee Soomaaliya si loo dhameystiro qodobada harsan ee hor taagan in dawlada cusub oo rasmi la dhiso.
Xoghayuse ma uu cadeyn mudada loo kordhinayo dawlada haatan dhisan oo isugu jirta baarlamaanka cusub iyo madaxdii hore ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqda in QM aaney haatan la iman wax qorshe ah oo cusub oo Soomaaliya ka saari kara marxalada guracan ee ay ku jirtay inta la xusuusan yahay.
SDN-New York
contact@somalidasporanews.com