|

Baledweyne oo markale biyo qaadeen

Beledweyne May 02, 2024 (QJ) – Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in roobab mahiigaan ah oo shalay ka da’ay magaalada ay sababeen fatahaado saameyn ku yeeshay dadka ku dhaqan xaafado ka tirsan magaalada.

Qoysas badan oo ku noolaa xaafadaha magaalada Baladweyne ayaa ka barakacay fatahaadda wabiga Shabelle, iyagoo ka baqaya in biyaha wabiga Shabeelle uu buux dhaafiyo, taasi oo xaaladda magaalada uga sii dari karta.

Shalay ayay aheyd markii roob xoogan uu ka da’ay Xaafada Tiimbo ee Magaalada Baladweyne kadib markii ay buux dhaafiyeen kanaalka Dhagax Jibis, kaasi oo keenay in ay biyo fariistaan qeybo ka mid ah magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, biyaha ayaa meelaha qaar guray, iyagoo ka tagay dhiiqo iyo qashin, iyadoo weli laga walaacsan yahay cudurro ka dhalan kara biyaha ka dhasha iyo saameynta ay ku yeelan karaan maciishada gobollada ay dhibaatadu ka dhacday.

Dhowaan ayay ahayd markii Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ay dirtay fariin digniin ah, taasoo muujineysa qatarta ka dhalan karta fatahaada Wabiga Shabeelle, waxaana ay ugu baaqday dadka ku dhaqan deegaanada ay fatahaaduhu ka dhacaan in ay ka taxadaraan naftooda iyo hantidooda si ay uga badbaadaan fatahaada.

Comments are closed