|

Bakhtiga Kalluunka Oo Toddobaadyadii ugu Dambeeyey Qariyey Xeebaha Gobolka Sanaag iyo Sababaha Loo Aanaynayo

 

Ceerigaabo:14-April-2014(SDN)-Dadweynaha Deggen xeebta Gudban ee waqooyiga Gobolka Sanaag, ayaa indhahoodu ayaamihii ugu dambeeyey Qabanayeen Kalluun tiro badan oo meyd ah, kaasoo ku soo caaryey Goobaha xeebaha ah.

kallSababta Kalluunkani u soo Caariyey, ayaa lagu sheegay inay ugu wacan tahay doonyaha iyo maraakiibta Halkaas ka kalluumaysta Gaar ahaan noocyada Xaawiga iyo Jiriifka oo fara baas ku haya kalluunkii baddaas ku noolaa, waxana dhibka Doomahaasi keentay inuu Kalluun badani dhinto.

Doonayahan iyo Maraakiibtan Waaweyn oo Beryahan dambe badda ku jirey, ayaa la sheegayaa inay Raadinayan Kalluun nooc gaar ah, iyagoo mark hore soo Qabqabanaya  dhammaanba wixii ay kalluun helaan, marka ay ka waayaan midkii ay rabeena Badda ku daadinaya Kalluunka kale oo Bakhti ah.

Kalluunkaas Bakhtiga ah ee Badda lagu shubay ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo caaridayey Xeebta, waxana ay dadka halkaas Deggeni is weydiinayaan Sababta uu kalluunkani u dhimanayo.

Dadka wax-garadka ah ee deegaanada laasasurad,  Xarshow iyo waqdariya oo ah Goobaha lagu arkay Kalluunkan dhintay, ayaa sheegay in Gaadiidkan noolaha badda halistaas ku haya laga soo fasaxay Deegaanka  Maydh, iyagoo ka cabanaya in Bakhtiga Kalluunka Bahalo bartay ay  nafahooda Halis Geliyaan.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo iyagu goobahaas  Deggen, islamarkaana Haysta Doomo qalabaysan, ayaan illaa iyo Hadda wax tallaabo ah qaadin, waxana la Tuhunsan yahay inuu jiro  xidhiidh u dhexeeya ciidanka iyo kooxaha dhibkaas wada.

S.D.N

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed