Badiba Wasiirrada Madaxweyne Siilaanyo Oo Maalintii shalay Wakhtigooda Ku Qaatay Garoonka Diyaaradaha Iyo Shaqooyinkoodii Oo Dayacnaa
Hargeysa:2-Oct-2013(SDN)-Safarkii maalintii shalay ee Madaxweyne Siilaanyo Dalka kaga Baxayey, ayaa waxa uu Keenay in Inta Badan Xafiisyada Dawladdu ay Gebi ahaanba Joojiyaan Shaqooyinkii ay Bulshada u hayaan, waxana Masuuliyiintoodii ku Mashquuleen Kala HororsiGa iyo u kala dheeraynta Ka Ag muuqashada Madaxweynaha.
Badi wasiirrada ayaa xilka ka haya wasaaradaha Somaliland, ayaa Aroortii horeba u soo kallahay dhinaca Madaarka Cigaal International Airport oo qorshuhu ahaa inuu madaxweynuhu ka dhoofo, wxana ay cidla ku soo baylihiyeen shaqadii ay qaranka u hayeen.
Wasiirrada iyagu gelin hore usoo Biyeystay inay madaxweynaha Garabkiisa ka muuqdaan, ayaa waxa ka mid ahaa wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga, Warfaafinta, Beeraha, Maaliyadda,Caddaaladda, Diinta, Biyaha, Kalluumaysiga, Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada, Deegaanka, Ciyaaraha iyo waliba Wasiir-ku-xigeenno iyo Wasiiru dawlayaal door ah, kuwaas oo kaliya ujeeddadoodu ahayd inaan iyaga iyo Madaxweynaha cidi u dhaxaynin.
Gebi ahaanba waddooyinkii uu madaxweynuhu marayey waxa buuxiyey oo mashquulkii markii horeba bulshadu ku qabtay sii saayidiyey Wasiirradan tirada Badan oo Gaadiidkoodii dhinaca ka raaciyey kii madaxweynuhu watay, waxana ay taasi keentay in dariiqyada caasimadda Hargeysa oo la liicliicaya saxmad dheer ahi ay sii cuslaadaan oo isu socodkii gaadiidku hakad galo.
Dhinaca kale wasaaradaha ay wasiirradani ka tirsanyihiin ayaan maalintii shalay wax shaqadii ay qaranka u hayeen ah qabanin, waxana ay wakhtigoodii ku qaateen madaxweynaha Agtiisa.
Caadada iyo Dhaqanka Noocan oo kale ah ayaan ahayn mid ku cusub xukuumaddan uu Hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo, waxana dhacda markasta oo uu madaxweynuhu ka soo baxo Hoyga uu qaranka ka maamulo inay wasiirradiisu u tartamaan inay dhinaciisa ka muuqdaan, taas oo nidaamka iyo habsimi-u-socodka madaxweynaha wax weyn u dhinta.
Xukuumaddan haatan talada Somaliland Haysa oo lagu xanto inay u badan tahay dad qurbejoog ah oo caalamka in badan ka soo shaqaynstay, ayaanay haddana ka muuqanin ilbaxnimadii iyo Hannaanka Dawladnimo ee ay leeyihiin waddamada ay ka yimaaddeen, waxana ka muuqata aqoondarro dhinaca Hab-maamuuska ah oo ay ku kala dhantaalaan milgaha madaxweynaha iyo Hannaankiisa socod.
Dhaqankan oo ay in badan saxaafadda madaxa bannaani ka hadashay, ayaan haddana xukuumaddu dhaq jalaq u siinin, waxana ay mar walba halkii kasii wadaan Golaha wasiirradu iyo xubnaha kale ee xildoonka ahi inay meel kaga dhacaan Habsami u socodka waftiga madaxweynaha , iyagoo qiimo-tira Sharafta madaxweynaha iyo sawirka Guud ee Saxaafaddu Baahiso, taas oo bulsho badan ku abuurta dareen ah inaanay xukuumaddu waxba ka aqoonin Hannaaanka Dawladnimo iyo Habka madaxweynaha loo maamuuso.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo isagu madaxweynaha sii dhaweeyey, ayaa laga dhex arkayey sida uu u diiddan yahay wasiirrada tirada badan ee madaxweynaha garabyaacaya, waxana isaga Qudhiisa Booskii uu xaqa u lahaa ka cidhiidhsaday wasiirro aan waxba ka garanayn dawladnimada oo kaliya danaynaya inay Madaxweynaha sawirro la galaan.
Madaxweyne siilaanyo oo isaga lagu tilmaamo ruugcaddaa ku xeel dheer Arrimaha Dawladda iyo Dhaqankeeda, ayaan ku dhiirranin inuu wax badan ka beddelo hannaanka qaloocan ee wasiirradiisu u dilaan kala dambaynta iyo maamuuska, waxase taasi kaliya ay wax u dhimaysaa sharaftiisa madaxweynenimo iyo midda qarankaba
Wasiirradan Caanka ku ah inay madaxweynaha agtiisa is taagaan xilliyada uu dibadda ka joogo Madaxtooyada, ayaa la sheegayaa inay qabaan shaki ah ciddii laga waayo madaxweynaha agtiisa in xilkiisu hali ku jiro mar Haddii laga ag waayo madaxweynaha, waxana ay taasi muujinaysaa inay yar yihiin wasiirrada ku shaqeeya kalsoonidooda iyo kartidooda shaqo, kuwaas oo kaliya ku shaqeeya inay madaxweynaha raalligeliyaan, balse aan ogsoonayn.
Wasiirrada faro-ku-tiriska ah ee sida kalsoonida ah shaqadooda u guta waxa ugu horreeya wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka Dr Sacad Cali Shire, inta Badanna laguma arko madalaha wasiirrada kale qaabka Guulwadaynta ah iskugu hirdiyaan ee madaxweynuhu joogo, waxana uu mar walba u dabran yahay inuu guto hawlihiisa shaqo.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com