Badhasaabka Berbera oo Bad galay kadib Markuu Berbera u Diiday Golihii Wakiilada iyo Waxa uu isku difaacay
Berbera 30.Dec 2014 (SDN/QJ)- Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa jawaab ka bixiyey eedayn ay u jeediyeen Guddi-hoosaadka Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Daba-galka Musuq-maasuq ee Golaha Wakiilllada oo sheegay in guddoomiyuhu gobolkaas ka horjoogsaday inay foodda geliyaan.
Eedaynta Guddigu u jeedisay Badhasaabka gobolka Saaxil, ayaa ka dambaysay ka dib markii Guddigani oo socdaallo ugu kala baxay gobollada dalku ay dhowaan golaha Wakiillada ka hor akhriyeen warbixin xambaarsan baadhitaanno ay ku sameeyeen hay’adaha dawladda, taas oo ay ku shaaciyeen musuq-maasuq iyo habacsanaan ka jirta hay’adaha Dawladda. Waxaanay warbixintooda si gaar ah ugu xuseen Hanti-dhowrka guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Waxbarashada. Warbixintaas oo gobolka Saaxil lagaga soo daray inay wasaaradda Waxbarashadu ka gaabisay adeegyadii tacliineed ee gobolkaas ay ka fulin lahayd, taas oo badhasaabka Saaxil-na waxba kama jiraan ku tilmaamay.
Xildhibaan Maxmed Faarax Qabille oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka Wakiillada ee la soo doortay Gobolka Saaxil oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa Badhasaabka Gobolka Saaxil ku eedeeyey inuu guddiga Daba-galka Musuqa ka horjoogsaday gobolkaas, waxaanu xildhibaanku ku hanjabay in isaga iyo guddiguba dhowaan tagayaan gobolka isla markaana aan laga horjoogsan karin.
“Waxaan Badhasaabka u sheegayaa, anigoo Maxamed Faarax Qabile ah oo Gobolka Saaxil la iga soo doortay,kana mid ah Guddida ilaalinta hantida qaranka cid aanu uga dhawrsanaynaa ma jirto, Guddiduna adigay ku baadhaysaa oo mid kaa hooseeya ayay baadhaysaa oo Hay’ad kasta oo Dakhli ayay baadhaysaa,markaa Askartaada sii diyaarso oo bal inay Calanka Gaadhiga noo sudhan iyo Xilka aanu sidno celiso waa inoo Berbera,” Sidaas ayuu Xildhibaan Qabille ku hanjabay.
Haseyeeshee, Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo Wargeyska Himilo xalay khadka telefoonka wax kaga weydiiyey eedaymaha loo jeediyey, ayaa gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu Guddiga ka horjoogsaday gobolka, balse uu guddiga ka dalbaday inay raalli-gelin ka bixiyaan dhaliilaha ay warbixintooda ku xuseen oo badhasaabku sheegay inaanay waxba ka jirin.
“Anigu ma odhan guddigu ma soo gali karaan gobolka, laakiin waxaan idhi hana daayaan mar haddii wixii xaqiiqada ahaa aan ka sheegayn gobolka oo iyagoo aan waxba na weydiin anigoo guddoomiyii gobolka ah, wax hadal ah oo na dhex-marayna aanay jirin.
Maalintii hore ee ay yimaaddeen Guddigu, waanu soo dhawaynay oo meel baanu dejinnay, laakiin waxyaabo aanaan ka filayn bay si guud wax nooga sheegeen, taasoo ahayd inay isku kaaya direen annaga iyo wasaaradda Waxbarashada oo waxay sheegeen inaanay wasaaradda waxabarashada waxba geynin gobolka iyagoo ka dhigaya warbixintii aanu siinnay, taasina waxba kama jiraan ayay ahayd,” Sidaas ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil.
Guddoomiye Fahmi Cabdi Bidaar oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Maadaama aan guddoomiyihii waddanka ahay, waxaan ku idhi arrintaas raalli-gelin haka bixiyaan Erayada ay naga sheegeen ee deel-qaadka ah ee aanay xaqa noogu lahayn ee aanay naga waraysan, mar hadday been naga sheegayeen oo waxaan na dhexmarin (Wasaaradda Waxbarashada) naga sheegeen, hana daayaan baan idhi.”
Badhasaabku waxa kale oo uu sheegay, “Xildhibaannada Golaha Wakiilladu waa xildhibaanno Qaran, gobolkana waan ku soo dhawaynayaa, haba-yaraatee ma jirto wax aan ku idhi Axmed iyo cid la socota toona gobolka ma iman karaan oo aan ka horjoogsaday ma jiraan. Laakiin Axmed (Qabille) waxaan leeyahay, waan kugu soo dhawaynayaa gobolka wixii aad la socotana waynu isaga imanaynaa,” Sidaas ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil.
Berbera SDN/QJ
contact@qurbejoog.com