Baaxaa dega Pakistan : Ciidanka Dawlada oo Dirqi ku furtay Telefishankii Xukuumada,oo ay la Wareegeen Dibad baxayaasha dalbanaya inuu Raysal Wasaarahoodu is casilo
Islamabad 02.Sep 2014 (SDN/QJ)- Ciidammada Dowladda Pakistan,ayaa dirqi ku soo furtay isla markaana gacanta http://iga.edu/cheapest-essay-writing-service/ dawladda ku soo celiyay TV-ga Qaranka dalkaas ka dib markii ay xoog kula wareegeen kooxo dibad baxayaal ah oo a soo hor jeeda dawladda Bakistaan oo muddaharaaddo waaweyn ka dhigaya dalka Pakistan kuwaasoo dalbanaya in uu is casilo Raysalwasaaraha Waddankaasi.
Ciidamada amaanka Pakistan ayaa dib gacanta ugu dhigay xarunta TV dawladda oo mar sii horeysay ay dadka banaan baxaya ee dawladda ka soo horjeeda u dheceen dhismaha TV-ga oo ku yaal caasimadda Islamabad,waxayna ku qasbeen wariyeyaashii iyo hawl wadeenadii kale eek u sugnaa Xarunta TV-ga in ay hawada ka saaraan.
Hoggaamiyaha dadka banaan baxaya oo ah hogaamiyaha mucaraadka Imran Khan iyo wadaad dalka aad looga yaqaan,Tahir Ul-qadri, ayaa labaduba waxay ku baaqeen in banaan baxyadu noqdaan kuwa nabadeed.
Iska hor imaadyadii dhacay Sabtidii waxaa ku dhintay hal qof, waxaana ku dhaawacmay boqolaal qof, markii ay wadooyinka caasimadda ay ku dagaalameen booliska iyo dadka banaan baxaya.
Dibexbaxayaasha ayaa dalbanaya inuu is casilo Ra’iisalwasaaraha dalkaas Nawaz Sharif.
Geesta kale Raysal-wasaare Nawas Sharif,ayaa sheegay in aanu xukunka ka degayn isla markaana dhegaha ka furaystay muddaharaadyada lagaga soo hor jeedo.
Islamabad SDN/QJ
contact@qurbejoog.com