Baashe Cawil (Morgan)ma muwaadin aan xil dalka kaheybaa mise? Sawiro suaashaa ka Jawaabaya
Hargeysa April 11,2014(SDN)-Xukuumada Soomaaliland ayaa kadika u laabtay Jaririada Haatuf ka dib kolkii sida xukuumadu sheegtay ay Haatuf aflagaadeysay muwaadin aan xil ka heyn dawlada Somaliland.
Baashe Cawil ayaa qaba gabar uu dhalay madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo isla markaana sidaa ku kasbaday awoodo faro badan oo aaney cidi u igman.
Xukuumadu waxa ay sheegtay in Baashe Cawil oo Somaliland looga yaqaano Morgan in aanu xitaa haatan dalka ku sugneyn.
Waxaase isweydiin leh imasa muwaadin ayaa aflagaado loo geystay jariirad idil loo xiraa ama ay u suurtogeshaa in uu safarada Wasiirada xukuumada uu u raaco safarada ay kula kulmayaan madaxda caalamka.
Muwaadiniin intee le’eg ayaa fursad u hela kexeysiga gawaarida khaaska ah ee madaxweynaha iyo ilaaladiisa gaarka ah kolka uu booqanayo degaankii ay awooweyaashii ka soo jeedeen.
Hadaba ma dhabaa in Baashe Cawil “Morgan” in uu yahay muwaadin reer Somaliland ah oo aan xukuumada wax xil ah ka heyn?