Baarlamanka Somalia oo Maalin Gaar ah u Cayimay ka Doodista Amniga Huteelada
Muqdisho 11.Nov 2013 (SDN)- Mudanayaasha Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa isku raacay in maalin gaar ah ay ka doodaan amniga hoteellada waa-weyn ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo shir guddoominayay kulankii shalay baarlamaanku uu ku yeeshay Muqdisho ayaa shegay in maalin gaar ah ay siinayaan ajandaha looga doodayo amniga hoteellada magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa ku timid kaddib markii mudanayaasha baarlamaanku ay dalbadeen in maalin gaar ah ay ka hadlaan amniga hoteellada ku yaalla caasimadda, oo ay sheegeen in uu yahay mid aan si buuxda la isugu halleyn karin.
Kulankaasi ayaa noqon doono mid ay albaabbadu u xiran yihiin.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com