Baarlamanka Somalia oo laalay Qaadashada Kaadhadhka Aqoonsiga
Muqdisho 08.April 2014 (SDN)- Xildhibaannada golaha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku yeeshay fadhigii 8-aad ee kalfadhiga afaraad, ayaa waxa ay ka soo saareen qaraar lagu joojinaayo qaadashada kaararka aqoonsiga dalka.
Xildhibaannada oo ka dooday qodobkan shalay iyo maanta ayaa isku raacay in shacabka ay dhib ku qabaan qaadashada kaararka aqoonsiga.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha baarlamanka, Mahada Cabdalla Cawad oo shir guddoominayay kulankii maanta oo ay ka qeyb-galeen 154 xildhibaan, ayaa sheegay in hal xildhibaan kaliya uu ka aamusay cod gacan-taag ahaa oo lagu diidayay bixinta kaararka aqoonsiga.
Xildhibaannada ayaa isku raacay in shacabka ay dalban karaan baasaboorka iyadoo aanan lagu qasbeyn qaadashada karaka aqoonsiga dalka.
Bilihii ugu dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka socday bixinta kararka aqoonsiga oo dadka ay dhibaato badan ku qabeen maadaama loo sheegay in karaka la’aantiis aanan baasaboor la dalban karin.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog@gmail.com