Baarlamanka Punt land oo Go’aamo ka soo Saaray Is Maandhaaf soo Kala dhex Galay Wasiirka Ganacsiga iyo Rugta Ganacsiga
Garowe 16.Sep 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Maxamud Xasan Soocadde ayaa 9-kii Sebteenbar 2014 soo saarey amar u ku kala diraayo hay’adda Rurga Ganacsiga ee Puntland oo ah hay’ad madaxbanaan, waxaana wasiirku muddeeyay xilliga la qabaayo doorashada oo uu ka dhigey 10 Nofeembar.
Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga oo isku duuban ayaa jawaab adag ka bixiyey go’aanka wasiirka waxay ku tilmaameen mid sharciga baal marsan hay’adda Rugtua Ganacsigu ay tahay mid madaxbanaan, shaqada Wasaaaradda ganacsiguna ay tahay in ay sharciga ku ilaaliso ee aysan lahayn awood ay ku kala diri karto, sidoo kale waxaa go’aankaas ku tilmaamey mid habowsan qaar ka mid ah ganacsatada Puntland.
Baarlamaanka Puntland ayaa soo kala dhexgalay muranka Rugta Ganacsiga iyo Wasiir Soocadde u dhexeeya.
Guddiga Hawlaha guud, ganacsiga yo kaabayaasha dhaqaalaha ee Baarlamaanka ayaa kulan ay u fariisteen oo ay ku dheysteen muranka Wasiirku geliyey hay’adda waxay soo saareen maalintii shalay laba qodob oo muhim ah kuwaas oo wasiirka ugu baaqaya in uu sharciga ku soo laabto awood aanu lahayna doonin.
Qodobada Baarlamaanku soosaareen oo ay ku xaliyeen khilaafkan wasiirkana waddada ku soo celiyeen waxaa ugu muhimsanaa:
1- In sharci ahaan Rugtu tahay Hay’ad madax banaan sida qodobka kowaad faqradiisa labaad dhigeyso
2- In Qabashada Doorashada iyo Xeerarka dejintoodaba ay tahay shaqo ay leedahay Rugta Ganacsiga.
Labadan qodob ee Baarlamaanku soo saarey ayaa soo afjaraya doodii wasiirku bilaabey ee ugu danbeyntii uu sheegtay in uu ku kala direy golaha Rugta Ganacsiga e Puntland.
Ma ahan markii u horeysey ee Wasiir Soocadde uu faraha la galo arrimaha Rugta Ganacsiga ee Puntland bishii Feberaayo 2014 markii u horeysey ee la magacaabey ayaa Ganacsatada Puntland ku so dhaweeyeen magaalada Bosaso, 10 maalmood kadib waxa uu ku dhawaaqey in Rugta Ganacsigu ay gelayso doorasho waxaana uu mudeeyey isaga oo aan la tashan Ganacsatada 15 Abriil 2014 taas oo noqotey mid socon weydey, kadib markii ganacsatadu ku gacan seyreen sheegeene in shaqadaasi tahay tii Rugta Ganacsiga.
Maxamed Xasan Soocadde Wasiirka Ganacsiga Puntland ayaa Baarlamaanka la yimid xeer hoosaadka Wasaaradiisa taas oo ah mid aan sharci ahayn isla makraana aanu u codsan karin kala diridda Baarlamaanka xeer hoosaadka wasaaradda uu wasiirka ka yahay.
Dhanka kale Madaxtooyada Puntland iyo guud ahaan golaha xukuumadda Dr Gaas ayaa weli si muuqata uga hadlin arrintan ee hay’ad dhan oo soo jiretey muddo dheer Wasiirka ganacsigu si fudud u kala diro, Ganacsatada iyo Ganacsigooda ayaa ah tiirka dhaqaalaha ee Puntland ku tiirsan tahay, Ganacsatadu waxay qayb weyn ka qaateen dhismaha buundooyinkii ku dumey duufaanta, waxana ay ku bixiyeen lacag ka badan todoba boqol oo kun oo dollar, waxaana ay sheegeen in ay dareenayaan aamustaanta Xukuumaddu in ay tahay mid aan garaabid iyo garawshiyiba lahayn.
In badan oo kamid ah shacabka Puntland ayaa kuu sheegaya in qaar badan oo ka mid ah Golaha Wasiirada ee xukuumadda Dr Gaas ay yihiin kuwo dalka muddo dheer ka maqnaa xafiis dawladeedna ay ugu horeysey magacaabidda Wasiirka loo magacaabey.
Rugta Ganacsiga ee Puntland ayaa ka mid ah hay’adaha si rasmi ah u taabo galay, waxaa la sameeyey sanadkii 2001, waxaana guddoomiyihii u horeeyey ka noqdey Rabbi ha u naxariistee Maxamed Cabdullaahi Curcuro, waxaana uga danbeeyey Cali Ceelaayo, Maxamuud Xayir Ibrahim iyo guddoomiyaha hadda Siciid Xuseen Ciid.
Doorashada Rugta Ganacsiga ayaa dhacaysa bisha Diseember 2014 sida ay ku heshiiyeen ganacsatadu.
Garowe SDN/QJ