|

Baarlamaanka UK oo cod aqlabiyad ah ku qaadacay weerar haatan lagu qaado Syria

London Aug 2013(SDN)-Baarlamaanka dalka UK ayaa diidmo qayaxan kala hor yimi weerar dalkani uu ku qaado dawlada Syria ee lagu eedeeyay in ay Chemical ku weerartay shacabkeeda.

Raiisul Wasaare David Cameron oo wejigiisa caro laga dheehan karayo ayaa aqbalay in baarlamaanka Britain diiday in UK qeyb ka noqoto weerar reer galbeedku ku qaadaan Syria.

Horaantii todobaadkan ayuu Raiisul Wasaare Cameron u muqday in xukuumadiisu ka qeybgeli doonto weerar lagu qaado xukuumada Bashar Al Asad.

Axsaabta mucaaridka dalka UK ayaa sheegay i loo bahan yahay in la helo cadeeymo dheeri ah oo muujinaya in xukuumada Syria ay chemical u isticmaashay shicibkeeda.

Talaabadan uu qaaday baarlamaankaUK ayaa sideedaba meesha ka saaraya in dalkani ka qeybgalo weerar lagu qaado Syria.

SDN-London
contacat@somalidiasporanews.com

Comments are closed