Baarlamaanka Soomaaliya oo qaaday Dhabihii kuwii KMG ahaa
Muqdisho May 16,2013(SDN)-Baarlamankaa Soomalaiya oo ah kii u horeeyay ee aan aheyn mid KMG ah ayaa waxa uu bilaabay u dhaqanka sidii hore looga bartay kuwii ka horeeyay ee KMG ahaa ee ay buux dhaafin jireen hogaamiye kooxeedyadu.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu mudo lix bilood ku siman dabadeed shir guddoonka u gudbiyay mooshin ka dhan ah Xukuumada raiisul wasaare Cabdi Shirdoon Saacid.
Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Mahad Cawad ayaa shaaciyay in mooshinku buuxiyay dhamaan shuruucdii baarlamaanka.
Waxaana Muqdisho ka bilowdey sidii caadada aheyd kala urursiga xubnaha Baarlamaanka oo codkooda ku gorgortamaya.
Waana arin haatan aaney shacabku ka fileyn Baarlamaanku in uu dib ugu noqdo hab dhaqankii xiliyadii kala guurka.
Is qabqabsiga Baarlamaanka iyo xukuumada ayaa ku soo beegmaya xili beesha caalamku gurmad mideysan ay ugu yabooheyso Soomaaliya.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com