Baarlamaanka Somaliland Taariikh ma reebi doonaan oo mala xisaabtami doonaan Madaxweyne Siilaanyo mar hadii waqtigiisii dhamaaday? Waa in Golaha Wakiiladu Xaqa ku adimaan!!.
Dimuqraadiyada S/land waxay ka bilaabantaa oo bud-dhig iyo baleysinba u ah ,Golihii Wakiilada ee shacabku doorteen ( Representative Democracy ) si ay ugu adeegaan danta guud ee dalka iyo shacabkii doortey ee dirty si ay Xukuumadeena xadhig-maran, musuq-badan ugu xakameeyaan oo ugu hagaan toobiyaha toosan mar hadii ay taraartey ama turun-turootayba.Hadaba maxay noqdeen Golihii wakiilada ee la igmaday, la dhaariyey ee loo hanweynaa?
1- Nasiib daro ! Waxay noqdeen kuwo iyagu bahdila oo baabiiya Dimuqraadiyada,kuwo u-adeega, naftooda oo keliya una xagliya xayndaabka madaxtooyada iyo 4-ta Taajir, ee ay u-xanibaan xeerarka saameynta ku leh Hantidooda iyo ganacsigooda sida Xeerka kala xadeynta Ganacsiga iyo xeerarka xawaaladaha iyo Baananka.
2- Waxa ay noqdeen Shirkadley, Sheerley, Danley, Degley iyo Dabatooyin dantooda uun raacda oo shebekedo daadsaday dhamaan Hayadaha dawlada kuwaas oo aan dan ka lahayn dan-yartii iyo shacabkii doortay ee dirtay.
3- Golaha wakiiladu waxay aabe ka yihiin Musuq-maasuqa iyo nidaam xumida dalka ka jirta, waxay kala dilaaleen xeerarkii duxda iyo iidaanka lahaa ee shaqo abuurka ahaa, waxay kala iibsadeen sharcigii iyo cadaaladii loo doortey ee loo dirtey ee loo dhaariyey, waxay si yar oo ismoodsiis ah ugu daneysteen xasaanadii iyo xilalkii ay shacabka u-hayeen,.
4- Gaar ahaan kuwa muxaafidka ahi waxay noqdeen diir iyo dulin naafeeyey dalka iyo dadkii soo doortey, waxay sabab u-noqdeen sicir bararka naafeeyey shay kasta oo nolosha shacabka reer Somaliland wax ka bedeli lahaa. Bal eeg inta xeer ee waxtar leh ee iidaan leh , ee anfac leh ee uu dhasku ku dul dhacay iyaga awgood ee sanadaha badan iska dul yaaley xayndaabka golahooda ee ay dhaameelka ku raajicinayaan.
Waa xeerkii tamarta iyo Batroolka, Xeerarka kala xadeynta Ganacsiga, Xeerarka Baananka iyo Xawaaladaha, Xeerarka Maalgashiga oo wax ka bedel iyo kaabis u-baahan, Xeerka Hawada oo ay hoosta iska dhigteen iyaga oo shaqsi keliya ku xumeynaaya oo aan eegeyn danta guud ee qaranka.
Waxaa Mujtamaca reer SL ay is weydiinayaan Maanta ” Waar hadii ay helaan kharaj ugu filan Guryahooda,gawaadhidooda,
Geba-Gebo: Hadaba si ay Karaamadoodu u soo noqoto oo ay u taabo gasho hirgelintii ,higsigii iyo hab-dhaqankii dawladnimo horena uu inoogu socdo geedi socodkii hanaankii Dimuqraadiga ahaa ee curdinka ahaa ee Somaliland ku taameysay mudada dheer Waa in Golaha Wakiiladu xaqa ku adimaan oo Madaxweynaha JSL hor keenaan Golaha hortiisa iyaga oo u adeegsanaaya Awooda Qodobada Dasruuriga ah ee 53-aad iyo 121-aad. waxna ka weydiiyaan Xaalada Siyaasadeed ee cakiran ee uu dalku maanta maraayo.
La soco —————- ??
Waxaan idiinku soo garoocayaa-
Weli dawliskii qarankeenu diri buu ku sii dhacayaa
Weli afdiinlaha wakiiladu dhamac buu afuufayaa