Baarlamaanka Somaliland Oo Maanta Ansixinaya Xubnaha Komishanka Qaranka
Hargeysa:Nov,29,2014(SDN/QJ)-Aqalka Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta oo sabti ah laga filayaa inay ansixiyaan Xubanaha Komishanka Doorashooyinka qaranka oo loo ballansan yahay.
Maallinimadii Arbacadii Salaasadii Tododobaadkii Ina dhaaftay ayey Goluhu ansixiyeen Ajandaha Kalfadhigooda, waxana ay maanta u ballansan yihiin inay meelmariyaan Xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka oo muhiim u ah doorasho dalka ka hirgasha sanadka soo socda.
Xubnaha Maanta loo ballansan yahay ayaa waxa hore usoo ansixiyey Madaxweynaha somaliland, waxana Fadhiyo hore oo Goluhu ku doonayeen inay ku ansixiyaan ku dhamaadeen Guuldarro, maadaama uu jirey khilaaf xilligaas Golahha laba garab u kala qaybiyey.
Tallaabadan ayaa la filayaa haddii sideeda udhaqan gasho maanta inay fure u noqon doonta Doorashada madaxtinimada iyo midda Baarlamaanka eeĀ sanadka soo socda loo ballansan yahay, taas oo Mucaaridku sheegaan in madaxtooyadu ka cago-jiidayso.
Haddii maanta Goluhu Maanta Ansixiyo Xubnaha Komishanka Doorashooyinka qaranka, waxa kale oo hadhay Xeer Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo haatan gacanta ugu jira Golaha Guurtida, waxana khilaafkii dhacay kadib la caddeeyey in Guurtidu Gacanteeda ku sixi doonto, maadaama La sheegay in khalad uu galay.
SDN/QJ