|

Baarlamaanka Somalia oo Mudo Toban Cisho ah u Kordhiyay inuu Ra’isal Wasaaruhu ku soo dhiso Dawladiisa {DHAGAYSO}

Muqdisho 11.Jan 2014 (SDN)- Mudanayaasha baarlamaanka federaalka ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta golaha u codeeyay in 10 maalin loo kordhiyo xilliga raysul wasaaraha Soomaaliya uu ku soo magacaabi lahaa golihiisa wasiirrada.

BAARLAMANKA SOMALIA OO CODAYNAYAGuddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa baarlamaanka u akhriyay warqad codsi ah oo uu raysul wasaaraha ku dalbanayay waqti kordhinta.

142 xildhibaan ayaa u codeysay codsiga raysul wasaaraha, halka saddex mudane ay ka aamustay.

Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa laga sugayaa inuu soo magacaabo golihiisa wasiirrada.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalkii Gudoomiyaha Baarlamanka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MudoKordhinta11.mp3″]
Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed