Baarlamaanka Somalia Oo Go’aansaday Inay Wufuud U Diraan Saddex Dal Oo Soomaalida Lagu Dhibaateeyo
Muqdisho:07-April-2014(SDN)-Baarlamaanka Somalia, ayaa Haatan bilaabay Qorshe ay ugu Gurmanayaan Dad Soomaali ah oo ku dhibaataysan Meelo ka Baxsan Somalia.
Xildhibaan Maxamed Nuuraani Abakar oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah gudiga arimaha dibada ee baarlamaanka ayaa sheegay inay Go’aamiyeen in ay wafdi xildhibaano ay ugu dirayaan saddex dal oo qaxootiga Soomaaliyeed ay ku dhibateysan yihiin.
Xildhibaanka ayaa Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho u sheegay in ujeedada ay tahay sidii dowladahaasi ay kala hadli lahaayeen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka qaxootiga Soomaaliyeed ku heysta dalkaasi.
Dalalka Yemen, Sacuudiga iyo Kenya ayuu ku tilmaamay inay yihiin dalalka ugu daran oo ay iminka dhibaatada kala kulmaan qaxootiga Soomaaliyeed.
Dhanka kale wuxuu muhiimad gaar ahaaneed ku tilmaamay in soo dhaweyn wacan loosameeyo dadka doonaya inay dalkooda dib ugu soo laabtaan marka ay soo gaadhaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Gudiga arimaha baarlamaanka ayaa qaarkood todobaadyadii lasoo dhaafay waxay ku maqnaayeen safaro dhanka dibada ah oo ay ku ogaanayeen xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee dalalka caalamka gaar ahaan Yemen, Sacuudiga iyo Kenya, sida Xildhibaan Maxamed Nuuraani uu sheegay.
Saddexda Dal ee Kenya, Sacuudiga iyo Yemen ayaa meelaha ay dhibaatada ugu weyni ku Haysato Dadka soomaalida ah, waxana Inta badan ay Dadkaasi Codsadaan inay Dawladda Soomaaliya ku soo Gurmato.
S.D.N.
Contact@somalidiasporanews.com