|

Baarlamaanka oo ansixiyay heshiiskii EAC

Muqdisho February 10, 2024 (QJ) -Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay in dalka uu ka mid noqdo ururka Bariga Afrika ee EAC.

Ansixinta Baarlamaanka ayaa heshiiskan u gogol xaareysa dhameystirka xubinimada Soomaaliya ee ururka, oo EAC ay u qabatay muddo lix bilood ah in lagu dhameystiro heshiiska.

Golaha Wasiirada ee Wadamada Bariga Afrika ayaa loo xilsaaray inay hubiyaan in marka la soo gudbiyo heshiiska isla markaana ay dusha kala socon doonaan dhaqangelinta iyo ka mid noqoshada rasmiga ah ee Soomaaliya ay uga mid noqoneyso ururka.

Noofambar 24, 2023, Shir Madaxeedkii Madaxda EAC, oo lagu qabtay Caruusha, ayaa lagu ansixiyay codsiga Soomaaliya ee ku biirista Bulshada Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa noqotay Xubintii 8-aad ee ku biirta ururka Bariga Afrika. Dalalka kale ee xubnaha ka ah waxaa ka mid ah Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Comments are closed