Baarlamaanka Mareykanka oo ansixiyay safiirka cusub ee Soomaaliya
Washington May 05, 2024 (QJ) – Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay Richard H. Riley inuu yahay safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.
Xaqiijinta ayaa timid kadib markii madaxweyne Joe Biden uu u magacaabay Richard H. Riley inuu noqdo safiirka xiga ee Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya bisha Maarso ee sanadkan.
Danjire Richard ayaa bedeli doona danjirihii Mareykanka ee Soomaaliya u fadhiyay, danjire Larry André, kaasoo xilkan hayay tan iyo bishii Janaayo 2022.
Danjire Richard H. Riley waa dublamaasi rug-cadaa ah oo khibrad u leh inuu ka soo shaqeeyay dalal dhowr ah, sida UK, Russia, Canada, Pakistan, China, Jamaica, Yemen, Afghanistan, iyo Iraq.
Intaa waxaa dheer, Danjire Richard H. Riley IV, oo ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, waxa uu haystaa shahaadooyin kala duwan. Waxa uu shahaadada koowaad ee maamulka ganacsiga (BBA) ka qaatay Jaamacadda Georgia, MBA ka qaatay Harvard Business School, iyo MS oo uu ka qaatay Kulliyada Dagaalka Qaranka.