|

Baarlamaanka Jarmalka oo ansixiyay in dalkiisu ciidan Milateri u diro Soomaaliya, maxayse tahay shaqada ay u tegayaan Muqdisho? (Warbixin)

Berlin 5, April 2014 (SDN/DW)- Baarlamaanka dalka Jarmalka ayaa ogolaaday in koox tabobareyaal Milateri ah oo ka socda dalkaas loo diro dalka Soomaaliya, iyadoo hawlgalkaas tabobarku yahay mid uu meelmariyay Midowga Yurub.

Hase yeeshee, siday ku warantay warbaahinta Germany, xildhibaanada mucaaradka ayaa ka horyimi, isla markaana diiday inay u codeeyaan go’aanka lagu meelmariyay diritaanka tabobareyaasha Milateri ee ka tirsan ciidanka Bundeswehr ee Milateriga dalkaas, kuwaasoo la gaynayo Koonfurta dalka Soomaaliya.

Milateriga Jarmalka ee Bundeswehr, waxay askarta Soomaalida tabobarayeen tan iyo sannadkii 2010, balse ilaa hadda tabobarku waxa uu ahaa mid lagu qabanayay meel aan ahayn gudaha Soomaaliya, balse wuxuu ka dhacayay dalka Uganda. Laakiin, isbedelka u dambeeyay, baarlamaanku wuxuu heshiis ku gaadhay inuu bedelo siyaasaddaas, isla markaana ansixiyo in Soomaaliya la geeyo ugu badnaan ilaa 20 askari oo Jarmal ah.

Saraakiisha Jarmalka ahi waxay tabobarayaan khubarada ama lataliyeyaasha ciidanka Soomaaliya iyo macalimiinta Milateriga dawladda Federaalka Soomaaliya, iyo inay sidoo kale Milateriga Soomaaliya tallooyin ka siiyaan xaaladdaha farsamo ee gudaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Ilaa hadda, tabobarka Milateriga Bundeswehr ee Jarmalku bixiyay, waxa ka qaybqaatay ilaa 3,600 oo askarta SOomaali ah, kaasoo ay tan iyo markii uu 2010 bilaabmay ay ka qabqaadanayaan 9 dal oo ka tirsan Midowga reer Yurub (EU).

Berlin gives go-ahead for military instructors for SomaliaMarkii EU ay hawlgalkiisa Uganda uga soo wareejiyeen Muqdisho, bilawgii sannadkan 2014, ciidanka Bundeswehr waxay doorbideen in aanay guurin, maadaama ay wasaaradda Difaaca Jarmalku ay xaalada amni ku qiyaastay mid degenaansho la’aan xoog ahi haysato.

Iyadoo ay sidaa tahay, dawladda Jarmalku waxay hadda rumaysan tahay in macalimiintan Jarmalku ay ku shaqaynayaan goob uu amnigeedu sareeyo, taasoo duleedka u ah madaarka magaalada Muqdisho, taasina ay kaafiyi karto amaankooda. “Waa masuuliyad in aanu isu diyaarinay in aanu qaadno,” ayuu yidhi Mr. Philipp Mißfelder oo ah afhayeenka xisbiga Maxiiyiinta Dimoqraadiga oo haya talada dalkaas, kaasoo hadal ka jeediyay dood uu Khamiistii baarlamaanka Jarmalku ka yeeshay geynta Soomaaliya ee kooxda Milateriga Jarmalka ka socda.

Ciidanka Jarmalka ee loo dirayo Muqdisho, baaarlamaanka Berlin wuxuu u cayimay inuu waqtiga ay macalimiintaa Milateri joogayaan Muqdisho uu ku egyahay 31-ka bisha March, 2015. Laakiin, go’aankaas baarlamaanku ansixiyay may taageerin xisbiyada mucaaradka Germany, waxaana ka codeeyay oo diiday dhammaan 118-ka xubnood ee xildhibaanada mucaaradka ugu jira baarlamaanka dalkooda.

Qurbejoog.com, Berlin

Comments are closed