|

Baarlamaaka Itoobiya oo ka doodaya Heshiiska Badda

Addis Ababa June 04, 2024(QJ)-Wasiirka gaadiidka iyo saadka ee dalka Itoobiya Alemu Sime ayaa maanta horgeeyay baarlamaanka dalkaasi heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland. Heshiiskan ayaa Itoobiya fursad u siinaya in ay hesho deked iyo saldhig ciidan oo ay ka sameysato Badda Cas ee Somaliland.

Alemu Sime waxa uu mudanayaasha ku wargaliyay in is-afgaradkii (MoU) ay kala saxeexdeen 1-dii January Itoobiya iyo Somaliland uu ka dhigan yahay heshiis wax ku ool ah oo u fududaynaya Itoobiya helida marinka badda cas.

“Tani waxay suurtogelin doontaa hamiga Itoobiya ee marin helidda badda, taasoo horseedaysa horumar la taaban karo oo ku aaddan waxqabadka saadka iyo kobcinta iskaashiga cusub,” ayuu yiri wasiirka gaadiidka Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya waxaa ka go’an inay fuliso heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland 1-dii Janaayo ee sannadkan, kaasoo ku saabsan in Itoobiya ay hesho qayb ka mid ah badda cas.

Comments are closed