Baarlaanka Somalia Oo Fasax Dheer Kadib Lagu Wado Inay Maanta Kulankoodii Ugu Horreyey Yeeshaan iyo Qoddobo Xaasaasi ah oo Horyaalla
Muqdisho:22-March-2014(SDN)-Kadib Muddo Laba Bilood ah oo ay Fasax Shaqada kaga Maqnaayeen, waxa Maanta La Filayaa inay Baarlamaanka Somalia Yeeshaan Kalfadhigoodii Caadiga ahaa.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Max’ed Sheekh Cusman Jawaari ayaa Lagu Wadaa inuu kulankan shir gudoomin doono iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka lagu wargaliyay in ay ka soo qeyb galaan shirka Baarlamaanka oo maanta Furmaya.
Qodobo ay ka mid tahay miisaaniyada saddexda Bilood ee xukuumada DF Somalia ayaa ka mid ah qodobada ay ka hadli doonaan xildhibaanada.
Sidoo kale waxa ay dardar galin ku sameyn doonaan howlaha ku aadan dhanka sida dalka uu doorasho xor ah u gali lahaa sanadka 2016 marka la gaadho.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxa ay wadaan mooshino ka dhan ah xukuumada oo ku aadan dhanka Ammaanka iyo mooshino kale oo aan shaac saneyn iminka.
Baarlamaanka ayaa intii ay Fasaxa ku maqnaayeen waxa Dalka ka Dhacay Arrimo badan oo Ammaanka Halis ku Ahaa, sida weerarkii Madaxtooyada iyo waliba Qaraxyo Badan oo Caasimadda Ka dhacay,waxana la filayaa inay Baarlamaanku Arrimo badan oo kuwaas la Xidhiidha si weyn uga Doodi doonaan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com