|

Baaq-Yada Kasoo Yeedhay Beesha Caalamka Uma Arko In Ay Mab’da Somaliland Ee Saax-Dheer Wax Ka Badalayaan.Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Golaha Wakiilada

cali yusuf

Hargeysa 2/9/2014 (SNN/QJ) Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad ee golaha wakiilad somaliland Cali Yuusuf Axmed  ayaa ka hadlay Baaq-yada kasoo yeedhay Beesha Caalamka,Kaas oo ku tilmaamay Mid aan waxba ka badalayn Mab’da Somaliland.

Waxa uu Cali Khaliif Galaydh iyo maamulkiisaba usoo jeediyay in ay nabada qataan,isla markaas Fad-qalada  ka dayaan Gobolada bariga somaliland.

Sidoo kale waxa uu beesha caalamka u iftiimiyay inaanay Ciidanka qaranka somaliland laga soo saaray Deegaanka Saax-dheer,Kaas oo ku tilmaamay in ay galeen Qayba ka mid ah Dhulkooda oo Rab-shado ka wadaan Kooxo Nabad Diid ahi.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta siinayay Qurbejoog iyo hadhwanaagnews waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sidan.

Saax-Dheer waa man-daqad ka mid

dhulka somaliland Shacabka joogaana waa Dadkii Somaliland,Waxaanu ka xunay inuu cali khaliil Galaydh Khalday Niman Dhalinyaro ah,Lakiin Shacabka intiisa kale ee meesha dagani waxa ay rabaa Somaliland,Cali Khaliif Qudhadkiisu Markii Somaliland Xornimadeeda dib ula soo noqotay,Waa uu joogay,Shirkii Booramana wuu joogay,Waanan ka xumay Inuu cali khaliif galaydh kolba Meel u Cararo.

Guddoomiya ku xigeenka 2aad ee golaha wakiilada somaliland Baashe Maxamed Faarax oo hadalkiisa ii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyay”

Cali Khaliif Galaydh,waxaanu ugu baaqaynaa inuu Somaliland kusoo noqdo,Shacabkiisana Dhinaca ka raaco,Bulshada halkaas dagan saax-dheerna wixii tabasho ee ay qabaana,Dawlada somaliland Diyaar ayay Markasta u tahay in ay waxa la qabato,Laas-canood Cidii tagtay ayaa tagtee Intii Xukuumada somaliland Jirtay waxa aad u fara badan ayaa laga qabtay.

Dhinaca kale waxa uu beesha caalamka ee Baaq-yada kala duwan kasoo saartay Galitaanka Ciidanka qaranka somaliland Galeen Degaanka Saax-dheer ku tilmaamay Mid Qaldan,Waxaana uu beesha caalamka u sheegay In ay Somaliland Tagtay Degaan ka mid ah Dhulkeeda waxaana uu yidhi’

Beeq-yada kala duwan ee beesha caalamka,Hadaan ka hadlo ilaa intii uu yimid Ingiriisku 1884kii Waa mudo Aad u badan oo 150 Sano ku dhaw,Xuduudkeeda waa la yaqaanay,Ingiriiskan ka hadlay ayaa jeexay Xuduuda somaliland,ururka Africa Baryihii uu abuurmay ee shirka qaahira loogu qabtay waxa lagu cadeeyey in dal walba xuduudiisu tahay,Halkii isticmaarkii Gumaysan Jiray U jeexa,Somaliland Halkii uu u jeexay ingiriisku ayay ku taagan tahay wali,Dalal Badan ayaynu xuduudka la leenahay Wali hal taako kumaynaan Durkin.

Sidoo kale waxa uu Bayaamiyay Cali Yuusuf Axmed inaanay Somaliland dhulkeeda udaba fadhiisanayn Beesha caalamka,waxaana uu cadeeyey inaan ciidanka laga soo saaray Deegaanka Saax-dheer waxaana uu yidhi”

Dhulkeena Somaliland Cid aanu u daba Fadhiisanayno Haba yaratee majirto,Ciidanka somaliland dhulkooda ayuu ku jiraa,waana uu difaaci donaa,Cid tiraahda ciidan dhulkiisa jooga ha ka baxo waa gardaro,Ciidanka meel kasta oo uu tagana waxa uu ku tagaa Amarka Madaxwaynaha somaliland,Beesha caalamkana waxaan usoo jeedin lahaa in ay somaliland raali galin siiyaan,ileen way ku gafeene.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha wakiilad somaliland Cal Yuusuf Axmed waxa uu Cadeeyey In ay Xukuumada Somaliland Markasta Diyaar u tahay in ka war hayso Degaanada Bariga.

Waxaana uu Sheegay inuu Xukuumadu markasta Gar-gaar gaadhsiiso Shacabkeeda jooga Gobolada bari,Waxaana uu Cali Khaliif Galaydh Usoo jeediyeen inuu Fad-qalada ka daayo Degaanada somaliland,isla markaas qaato Gogosha nabada ee somaliland u fidisay.

Hargeisa SDN/QJ

Maxamed Aadan@Qurbejog.com

Concat@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed