Baaq ku socda wixii Soomaali sheegta ee in yar oo damiir ahi ku hadhay
Walaalayaal Kenya isku heli mayso inay Soomaalida sida adduunkiiba la yaabay ula dhaqanta iyo in dhaqaalaha ugu badani ka soo galo Soomaalida welib qaadka.
Waad ogtihiin joojinta qaadka ee waddanka Ingiriisku ku dhaawaaqay sida ay u gilgishay dawladda Kenya iyada oo u soo dirtay wafdiyo heer sare ah si ay uga hor tagaan joojinta qaadka. Waxaa qaadka ka shaqeeya oo dakhli ka hela ilaa 500, 000 (shan boqol oo kun) oo shaqaala ah. Qaadka ugu badan iyo dakhliga ugu badan waxay Kenya ka heshaa meelaha Soomaalidu degto weliba koonfurta Soomaaliya.
Annaga oo ah dad qurba joog ah oo aad ugu xummaanay falalka foosha xun ee ay Kenya ku hayso walaalahayaga Soomaaliyeed waxaanu ugu baaqayna ummadda Soomaaliyeed in aan qaadka Kenya laga keenin ugu yaraan saddex casho oo qaadka laga soomo saddex casho oo qudha. Bal saddex casho oo qudha aan u adkaysanno qaadka. Kenya waxay ogaanaysaa qiimaha dadka Soomaliyeed.
Falalka foosha xun ee ay Kenya ku kacday ma aha kuwa sal ku leh wax xaqaa’iq ah, waxaa lala dagaalamayaa dhaqaalaha iyo jiritaanka dadka Soomaaliyeed.
Qurbejoog Soomaliyeed