|

Baanka Imaaraadka Carabta oo shaaciyay xanibaada hantida madaxda Shabaabka iyo magacyada Shabaabka lacgtoodu taalo baananka dalkaas

Dubai Aug 23,2013(SDN)-Baanka dhexe ee dalka ImaraadkaCarabta ayaa shaaciyay in ay joojiyeen la macaamilka madaxda Shabaabka isla markaana soo bandhigay magacyada Shabaabka lacaguhu u yaalaan dalkaasi.

Madaxa Baanka dhexe ee Imaraadka ayaa sidoo kale amar uu dul dhigau baanaka kale ee madax banaan waxa uu ku faray in ay u hogaansamaan qaraar ka soo baxay Gollaha Amaanka ee QM.

Qaraarka Qaramada Midoobey ayaa lagu xusay madaxda Shababaka ee la doonayo in la xanib hantidooda.

Ragan hantidooda la xanibay ayaa gidigood Soomaaliya ku nooleyn ama heysta dhalashooyin dalal kale.

Raga hantidooda haatan la xanibay waxa ka mid ah; Hasan Dahir Aweys; Hasan Abdullah Hersi Al Turki; Ahmed Abdi Aw-Mohammed; Faud Mohammed Khalaf, Mohammed Said; Bashir Mohammed Mahamoud; Hasan Mahat Omar, who has Ethiopian nationality; Omar Hammami; Ali Ahmed Nur Jim’ale; Abu Baker Shariff Ahmed; and Aboud Rogo Mohammed.

Baanka dhexe ee Imaraadka ayaan shaacin cadadka hantida Shabaabka ee taalada dalka Imaraadka Carabta.

Imaraadka ayaa burburkii Soomaaliya ka dib waxa ay xarun u noqotay ganacsatada caalamka ka kenta badeecada dalku u baahan yahay.

SDN-Dubai
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed