Baanka dhexe oo xanibaadyo soo rogay
Muqdisho March 16, 2024 (QJ) -Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku wargeliyay bangiyada dalka in ay xayiraan xisaabaadka 16 qof iyo shirkado uu Mareykanku cunaqabateyn ku soo rogay.
Warqad qoraal ah oo ku socota bangiyada ganacsiga ee dalka, ayaa bangiga dhexe wuxuu ku amray inay joojiyaan dhammaan xiriirkii ganacsi ee hore, ayna xayiraan xisaabaadka shakhsiyaadkaas, si loo yareeyo khatarta ah inay maalgeliyaan argagixisada.
Cunaqabatayntan ayaa lagu bartilmaameedsaday 16 hay’adood iyo shakhsiyaad ku nool gobolka Geeska Afrika, Imaaraadka Carabta iyo Qubrus, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay waaxda maaliyadda ee Maraykanka.
Waxaa lagu eedeeyay in ay dhaqaale ku taageereen kooxda Al-Shabaab ee ka howlgasha Soomaaliya.
Magacyadooda lama shaacin dadka la xanibay, si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa sheegay in hantidooda la xayiray si loo carqaladeeyo dhaq-dhaqaaqyada dhaqaale ee ay ka faa’iideysanayaan kooxda Al-Shabaab.
Mareykanka ayaa Al-Shabaab u arka Urur Argagixiso oo soo ururiya in ka badan 100 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah sanadkii, taasoo inta badan ka soo xarooda falalka sharci darrada ah oo ay ka mid yihiin baadda ay ka qaataan ganacsiga.
“Khatarta Al-Shabaab kaliya ma saameyso Soomaaliya” ayuu yiri Matthew Miller oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka. “Dhaqaalaha Al-Shabaab waxa uu ku xidhan yahay shabakadaha kale ee argagixisada caalamiga ah sida al-Qaacida, oo khatar ku ah caalamka.”
Mareykanka ayaa sidoo kale aaminsan in Al-Shabaab ay ku lug leeyihiin maalgelinta dhaq-dhaqaaqyada argagixisada caalamiga ah ee Al-Qaacida, taasoo wiiqeysa nabadda iyo xasilloonida adduunka.