|

Baanka Dhexe Iyo Wasaaradda Ganacsiga Oo Ku Fashilmay Fulinta Qorshihii Lagu Jaan-goyn Lahaa Sarrifka Lacagaha Qalaad

Hargaysa 29.Nov 2015 (SDN/QJ):- Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah iyo Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa gabi ahaanba ku fashilmay inay fuliyaan qorshihii  la doonayay in dawladdu ay  jaan-goyso qiimaha sarrifka lacagaha qalaad iyo in lacagta kaliya ee  wax lagu kala iibsadaa ay noqoto shilinka Somaliland. Hindisahan madhalayska noqday  oo lagu waday inuu hirgalo Bishii June ee la soo dhaafay, ayaa gabi ahaan-ba waxba ka hirgelin waxaanay go’aamadaasi noqdeen qaar xaashidii lagu qoray ku engagay oo shir kaga kac isku bedalay.

Baanka dhexeQorshahan oo ay si wadda jir ah u wadeen wasaaradaha ganacsiga iyo baanka dhexe oo isku dhinac ah iyo masuuliyiinta shirkadaha xawaaladaha ee Somaliland ka hawl-gala iyo sidoo kale sarifleyaasha magaalooyinka waaweyn ee dalka, ayaan illaa hadda aanay waxba ka fulin.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah Dr. Muuse Qaasim   ayaa  hore u   sheegay in qorshahaasi uu baanka dhexe uu si rasmi ah u bilaabayo 15-kii bishii June ee la soo dhaafay, hase yeeshee arrintaasi ayaa noqotay hal-bacaad lagu lisay.  “Halka Innan yar oo sarifle ahi  uu qiimaha doolarka ka goynayo, waa  in baanka dhexe uu gooyo qiimaha  sarifka doolarka. Taasina  waxaanu ku heshiinay in baanka dhexe uu si rasmi ah u bilaabo 15-ka   bisha June 2015,   wixii markaa ka danbeeya  baanka dhexe uu gooyo qiimaha sarifka doolarka. Waanu isla ogolaanay shirkadaha xawaaladaha iyo sarifleyaashaba qorshahaasi.  iyaguna waxay yidhaahdeen waa in lacagaha dadka loo soo dirayo 30% ay shillinka Somaliland ku siiyaan,” ayuu ku yidhi Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim oo horaantii Bishii June ee la soo dhaafay u warramay Warbaahinta.

Dharaartaas waxa Wasiirka Ganacsigu balan ku qaaday in shilinka Somaliland wax lagu kala iibsan doono, waxaanu yidhi  “Marka xawaaladaha, sarifleyaasha iyo ganacsatadu ay kaa hor xoogaystaan,  mar keliya lama wada joojin karo, hase yeeshee waa in tartiib-tartiib loo qabto 30% in kaash laga dhigo waa halka laga bilaabayo, laakiin sare ayaa  loo sii socon doonaa.Mida labaad qofkii waa in uu lacagtii loo soo diray waa in aanu hubinaa adeegyadii bulshadda oo dhan inuu ku wada helayo shillinka Somaliand in laga qaadayo oo wax lagaga iibinayo.”

Weriyeyaal ka tirsan wargeyska afka dawlada ku hadla ee Dawan oo muddo dhawr todobaad ah dabogal ku sameeyay qorsheyaashaasi iyo waxa ka hirgalay, isla markaana xidhiidho badan oo dhinaca telefoonka ah iyo kulamo fool-ka-fool ahba sameeyay ayaanay u suurto gelin inay wax xog  ka helaan masuuliyiinta dawladdda ee ay khusayso arrintani.

Kadib markii ay masuuliyiinta Ha’yadaha    hawshaasi waday oo kala ah wasaaradda ganacsiga  iyo baanka dhexe ay ka muquurteen inay ka hadlaan qorshahaasi iyo halka uu ku dambeeyeyba.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga Dr. Muuse Qaasim oo ay wasaaradiisu hormood ka ahayd qorshahaasi oo aanu marar badan telefoonka kula xidhiidhnay si aanu arrintaasi wax uga waydiino ayaanay noo suurtogelin in aanu helo, kadib markii balamo badan oo uu noo qabtay inaanu wasaaradda   ugu tagno  aanu ka weynay xafiiskiisa.

Sidoo kale gudoomiyaha baanka dhexe Cabdilaahi Xaaji Jaamac Cali, oo isna aanu marar badan  xafiiskiisa ugu tagnay si aanu wax uga waydiino qorshihii la doonayay in baanku uu  jaan-gooyo qiimaha sarifka lacagaha taasi oo ay masuuliyad gaar ahi ka saaran tahay, isla markaana ay ka mid tahay waajibaadyadda uu baanka dhexe qaranka masuulka uga yahay,   ayaa  weriyeyaasha ka socday wargeyska  DAWAN waxay  kala kulmeen hab-dhaqan aan hore loogu arag masuuliyiinta dawladda. Waxaanu gabi ahaan-ba amar ku bixiyay inaan la soo daynin xafiiskiisa cid ka socota warbaahinta qaranka.

 

Baanka dhexe waxa  dabo-gal la’aan uga fashilmay amarkii ay soo saareen ee Xawaalladaha farayay in lacagta dibadda laga soo diro 30% dadweynaha loogu siiyo kaash.

Baanka  dhexe ee Somaliland ayaa mudadda 25 sannadood ah ee ay  Somaliland jirtay Tahli kari waayay inuu marnaba gacanta ku qabto jaan-goynta qiimaha sarifka lacagaha, taasina ay keentay sicir bararka  laasimay Somaliland oo naafeeyay nolosha dabaqada hoose ee bulshadda. Waxaana waajibaadkii Baanka dhexe sifo sharci darro ah ula wareegay  sarrifleyaasha iyo Ganacsatadda. Waxa aan  la garaynin waxa Wasaaradda Ganacsiga iyo Baanka dhexe go’aamada ay gaadhaan ficil ugu bedali waayeen, arrintaasina waxay nusqaan ku tahay dawladnimadda Somaliland.

Comments are closed