|

Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Suuqa Soo Geliyey Lacago Doollar ah Qiime Jaban Lagu Iibinayo iyo Sarriflayaasha Oo Safaf Dhaadheer La Galay Lacago Kaash ah Oo ay Beddelanayaan

Hargeysa:08-April-2014(SDN)-Baanka Dhexe Ee Somaliland, ayaa Qaaday Tallaabooyin uu kula Dagaalamayo Qiimo korodh ku Yimi Lacagta Dollarka oo ayaamahanba Hargeysa si weyn Looga Dareemayey.

daan3Baanka ayaa si uu Hoos ugu dhigo Qiimaha Lacagta Dollarka oo Dadka Dhibaato ku Haysay, waxa uu Suuqa Dhexe Keenay Gaadhi ay Saaran tahay Lacag Doollar ahi, waxana uu  Dadka Lacagta Kaashka Haysta kaga Iibinayey Qiime Ka Jaban midka Suuqa Caadiga ah lagu kala Iibsanayey.

Qiimaha uu Ayaamahan uu Qofka Kaashka  sitaa ku Helayey  Boqolka Dollar ayaa ahaa 700,000sl shilling ah, waxase Dollarka uu Maalintii shalay Baanku Keenay  Suuqa lagu Helayey  Boqollkii Dolllar 6930,000sl shilling ah, taas oo Keentay in Dadku si weyn ugu dhiirradaan inay Lacagtaas sarriftaan.

Gaadhiga Lacagta Doollarka ah Siday ayaa Muddo saacado ah Taagnaa Badhtamaha Suuqa Wey nee Hargeysa, waxana qof kasta oo lacag kaash ah sita ay ka Iibinayeen Dollarka uu u baahnaa, isla-markaana Laga qaadayey Lacagta Kaashka ah, taas oo sababtay in Sixirkii Suuqu uu Waxoogaa Hoos uga dhaco Halkii uu Taagnaa.

Sarriflayaasha Dariiqyada Magaalada Hargeysa Fadhiista, ayaa Safaf Dhaadheer u Galay Hellitaanka Doollarka Jaban, waxana Ku soo Biiray Dadkale oo aan Ganacsato ahayn, kuwaas ka Faa’iidaysanayey Isbeddelka Qiimaha Dollarka ku Yimi.

Beddelaadda Lacagtaas Doollarka ah ayaa waxa ay Keentay Cidhiidhi iyo is riixriix Badan, maadaama Hal Gaadhi oo kaliya lagu Shaqaynayey, isla-markaana ay inta badan Sarriflayaashu Doonayeen innay Lacagtaas Helaan, waxana Goobtaas Ka Dhacay Buuq iyo is Xagxagasho u dhexaysay Ciidankii Gaadhiga Lacagta Siday la Socday iyo Dadkii Lacagta Sarrifanayey.

Isku Dayada Noocan oo kale ah ayaa uu Baanka Dhexe Somaliland ku Doonayaa inuu Xal ugu Helo Qiimo korodhka ku dhacay Dollarka oo sidoo kale Saamayn ku Yeeshay Maciishadda Quutal Daruuriga ah Ee  Nolosha Shacabku Ku Xidhan tahay.

 

S.D.N

 Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed