Baanka Dhexe Ee Somaliland Ayaa Suuqa Ku Siidaayey Lacag Dolllara Iyo sarifka Lacagta Oo Is Dhimay
Hargeisa 25/oc/2014(SDN/QJ)Baanka Dhexe Ee Somaliland Ayaa Toddobaadkii Ugu Danbeeyey Suuqa Galiyey Lacag Adag Oo Doolar Ah, Taasoo Uu Ugu Talogalay In Uu Hoos Ugu Dhigo Qiimaha Sarrifka Oo Maalmihii Ugu Danbeeyey Kor U Kacay.
Baanku Waxa Uu Maalin Walba Suuqa Geeyaa Lacag Dhawr Boqol Oo Kun Oo Doolar Ah, Taasoo Sababtay In Uu Hoos Usoo Liico Qiimaha Sarrifku, Waxaanu Gaadhay In Boqolka Dollar Gacanta Hore Lagu Bixiyo Toddoba Boqol Iyo Shan Kun, Halka Gacanta Danbana Lagu Sarifayo Todoba Boqol Iyo Toban Kun.
Qiimaha Sarrifka Ayaa Gaadhay Todoba Boqol Iyo Dhawr Iyo Labaatan Kun Hase Yeeshee Wixii Ka Danbeeyey Waxa Uu Baanka Dhexe Ku Dedaalay In Uu Soo Celiyo, Wallow Aanu Wali Halkii Loogu Talogalay Soo Gaadhsiinin.
Hoos U Dhaca Qiimaha Sarifka Aya Ala Sheegayaa Inay Ka Qayb Qaateen Shixnado Badan Oo Dekeda Berbera Ku Xidhan Kuwaas Oo Lagu Soo Cashuuro Lacag Badan Oo Shilling Somaliland Ah, Waxaana Lacagtaas Laga Sariftay Hargeysa.
Ganacsatada Waaweyn Ee Alaabah Soo Dajiya Ayaa Lagu Amray Inay Lacag Shilling Somaliland Ah Ku Soo Cashuurtaan Alaabtooda, Taasoo Sababtay Inay Suuqa Ka Sii Sariftaan Lacagtii Adkayd Ee U Kaydsanayd Ee Dolarka Ahayd.
Labada Lacagayow Ee Ganacsatada Iyo Baanka Ayaa La Odhan Karaa Waxay Sababeen In Dolarku Ku Bato Suuqa, Taasoo Keenaysa In Shilling Somaliland Ku Ka Yaraado Suuqyada.
Hargeisa SDN/QJ
Concat@Somalidasporanews.com