|

Baanka Aduunka:Aduun Dhan 94 million oo Soomaaliya loogu deeqay ayaa 11 million uun laga hayaa

Washington June 04,2012(SDN)-Dawladaha Deeqaha bixiya ayaa sheegay in ay jirto isdaba marin dhanka macaawinooyinka ah oo Soomaalida loogu deeqay sanadihii ina dhaafay ee abaaruhu sida xun u saameeyeen Geeska Africa.

Warbixin uu daabacay Baanka Aduunka ayaa lagu xusay in inta badan la waaya mucaawinooyin caalamku ugu deeqay Soomaalida sanadihii 20o9kii iyo 2010kii.

 Joakim Gundel oo ah qoraaga warbixinta ayaa sheegay in Soomaaliya sanadii 201okii loogu deeqay $94 million balse la helay uun 11 million oo qudha.

“Lacagahan la waayay ayaan xisaabtooda meela la saarin taas oo dabcan calaamatul suaal arrinka dul dhigeysa”ayuu idhi Mr Joakim Gundel.

Baanka Adunka ayaa sheegay in dawlada KMG ah ee Soomaaliya aaney laheyn dhamaan adeegyadii xisaabaadka hufan.

Cabdirisaaq Fartaag oo mar ahaa hantidhawrka dalka ayaa sheegay sanadkii hore in dawlada KMG ahi ay lunsatay isla markaana isdaba marisay hanti fara badan.

Hadalka Baanka Aduunka ayaa imanaya xili dalka Turkiga loo fadhiyo wadahadalo looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed