Baanka aduunka oo biyogelin ku bixinaya 70 million
Mogadishu December 117, 2022 (QJ) – Baanka aduunka ayaa ansixiyay qorsho 70 million oo dollar oo lagu maaligelinayo biyogaarsiin joogto ah Soomaali ku nool degaanada beeraleyda iyo biyo laantu ka jirto.
Mashruucan oo loo yaqaano Barwaaqoayaa la hirgelinya xili degaanada Soomaalida ay ka jirto biyo la’aan baahsan. Mashruuca ayaa adeegisa lagu baahin doona Somaliland, Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyada oo la gaarsiin doono iminkana maamulada Hirshabeele iyo Jubaland.
Bankiga Adduunka ayaa sheegay in mashruucani uu biyo gaarsiin doono 500,000 oo qof, oo u dhiganta ku dhawaad 15 boqolkiiba dadka reer miyiga ah, kuwaas oo hadda aan hilin biyo nadiif ah.
Baanka Aduunka ayaa sheegtay in isbedelka cilmilada ay sababeen durufaha adag ee ay Soomaalidu wejeheyso haatan.