Baananka Mareykanka oo la weeraray iyo cida ka danbeysa
New York Oct 20,2012(SDN)-Qaar ka mida baananka Mareykanka ayaa waxa la soo dersay xanibaad dhanka xogta ah ka dib kolkii la curyaamiyay adeegyadooda Internetka qaar ka mida.
Baananaka Capital One Financial Corp. iyo BB&T Corp ayaa waxa lala beegsaday weerar socday todobaadkan oo idil oo sababay in macaamiisha baananku ay awoodi waayaan in ay lacagahooda la baxaan.
Madaxda Baanankan ayaa sheegay in weerarku aanu sababin wax khasaare ah isla markaana ay hantida macaamiishoodu xafidan tahay.
Xeeldheereyaasha dhanka amaanka Internetka ayaa sheegay in dawlada Iran tahay cida ka danbeysa weerarada.
Dawlada Iran ayaa u muuqata in ay ka jawaabeyso weeraro hore loola beegsaday mashruucooda Nuclearka.
Mareykanka ayaa hore uga caban jiray weerarada uga yimaada dalka China oo si weyn u farateysta culuunta iyo xogta ganacsi iyo ciidan ee Mareykanka.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com