Baadhitaano badan oo lagu samaynayo tacadiyadii mudaharaadadii Somaliland
Hargeysa. 15 August, 2022 (QJ)- Gudaha Somaliland waxa sii kordhaya gudiyada iyo baadhitaanada ku aadan dhacdoyinkii iyo mashaqadii ka dhalatay dibad axii ay 11ka bishan August maalin Khamiis ah ay dhigeen mcuaaradka Somaliland, taas oo ay kasoo qab galeen kumanaan ka mid ah shacabka magaalooyinka Somaliland.
Dibad baxyada waa ka dhashay khasaare kala duwan oo dhanka dadka dhimasho iyo dhaawacbba leh, taas oo imika la baadhayo.
Gudida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa bilawday baadhitaanka dhacdooyinkii maalintaa iyo khasaaraha ka dhashay, kadib amar kasoo baxay gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada, kaas oo ku aadan in gudida jooghtada ahi ay baadhitaan sameeyaan maadaama golahu uu fasax ku maqan yahay.
Maanta ayay gudida joogtada ah ee golaha wakiiladu kulan la lahayd wasiirka arimaha gudaha ee somaliland, iyagoo sidoo kale gobolada dalka qiimayn doona khasaaraha ka dhashay dibad baxyadaas.
Gudoomiye ku xigeenka golaha Wakiilada ayaa faray gudida joogatda ah in ay soo saaraan doorka golaha ee dhacdooyinkan maadaama goluhu fasax ku jiro.
Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa iyaguna cambaareyay falalkaii dhex socday dibad baxyadii Somaliland ka dhacay, iyada oo qaarkood ay bilaabeen baadhitaano madax banaan oo lagu sameeyo tacadiyada dhacay maalintaa oo tiro badnaa qaarkoodna ay qabteen cameradaha saxaafadda iyo kuwa dadku duubeenba.
Xarunta Xuquul Insaanka Somaliland oo war soo saartay shalay waxay dalbatay baadhitaan madax banaan iyo isla xisaabtan laga sameeyo dhacdooyinka maalintaa iyo smahqada ka dhalatay, si looola xisaabtamo dadka tacadiyada gaystay.
Beesha Caalamka xubno ak mid ah ayaa iyaguna dhankooda dalbanaya baadhitaano lagu sameeyo tacadiyada Somalialnd ka dhacay maalintaa.
Dhanka xisbiyada mcuaaradka, waxa jirtay gudi ay si wada jira u magcaabeen Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland, gudidaas oo iyana soo qiimanaysa isla markaana baadhaysa dhacdooyinkii 11 bsiha August ka dhacay Somaliland oo dhan.
Maalin Khamiis ah, 11 August 2022, waxay ku taariikhaysan tahay maalinta ay dhaceen dibad baxyadii ugu ballaadhnaa abid ee Somaliland ka dhaca kuwaas oo xukuumad lagu diidan yahay, iyadoo dunidu siyaabo kala duwan uga hadashay tacadiyo abdan oo ku lammaanaa diobad baxyada maalintaa.