|

Axmed Seed Iyo Cirro, Axmed Seed Iyo Xirsi, Axmed Seed Iyo Maxamed Biixi, Axmed Iyo Muuse Biixi Iyo Kulamaddii Dhacay 

Hargaysa 25.October 2016 (SDN/QJ):-Hogaanka xisbiga Waddani ayaa la sheegay inuu qaaday talaabooyin ka daba tag ah oo uu uga gol leeyahay inuu ku damiyo cadhada iyo tabashada Gudoomiye xigeenka Axmed Muumin Seed ee ka dhalatay doorashadii sabtidii lagaga guulaystay ee golaha dhexe ee xisbigaasi ku doorteen murashixiinta Madaxweynaha, ku xigeenka iyo masuuliyiinta kale ee hogaanka xisbiga.

cirro-iyo-axmed-muuminSiday tibaaxeen xogo uu wargeyska Ogaal ka helay illo ku dhaw dhaw xisbiga Waddani, shirkii uu cadhada kaga soo baxay kadib Axmed Muumin Seed waxa la sheegay inay si gooni gooni ah isu arkeen Cabdiraxmaan Cirro, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maxamed Biixi oo dhamaantoodba la sheegay inay gaar gaar ugu tageen Axmed Muumin Seed, si ay uga soo dabaalaan cadhada, isla markaana waxay xogahaasi tibaaxeen in kulamaddaa gaar gaarka ahaa ee dhex maray Axmed Muumin Seed iyo masuuliyiintaa kale dhamaantoodba ay lagaga wada hadlay wixii dhacay, Axmedna ay kaga xog waraysteen tabashadiisa.

Xogahaasi waxay intaa raaciyeen  kulamaddaa in aanay ka soo bixin natiijo rasmi ahi, balse albaabkii wadahadalku u furmay, isla markaana waxay tibaaxahaasi tilmaameen in Axmed Muumin Seed uu ku jiray xaaladdii cadhada, sidaa aawadeedna uu codsaday in laba maalmood  jaanis laysu siiyo gaarkiisa.

Hase yeeshee xogo kale ayaa iyana tilmaamay in xalayba ay balan lahaayeen Axmed Muumin Seed iyo Xirsi Cali xaaji Xasan, isla markaana ay ka kulmeen isla arrintaa oo daba socotay kulamaddaa hore. Xogahaa dhanka Waddani laga helayaa waxay tilmaameen in talaabo hore loo qaaday, Axmed Muumin Seedna uu u eg yahay nin aan xisbigiisa ka tegaynin, ayna u dhawdahay in ay isfaham ka gaadhaan wixii dhacay. Laakiin ma jiran warar madax banaan oo xaqiijinaya jiritaanka xogahaa, isla markaana labada dhinac si toos ah ugamay hadal arrimahaa.

Geesta kale shabakadaha wararka internetka qaarkood ayaa faafiyay warar sheegaya in Waddani iyo Kulmiyeba ay ku jiraan hawlgalo ku wajahan Axmed Muumin Seed iyo madax dhaqameedka beeshiisa, isla markaana waxay qaarkood faafiyeen in dhanka Axmed Seed ay qaadaceen dalabyo uga yimi dhanka Waddani, taa bedelkeedana ay shalay kulan yeesheen Axmed Muumin Seed iyo saraakiil xisbiga Kulmiye ka tirsani, balse xogahaa shabakaduhu faafiyeen laftoodu ma laha xigasho rasmi ah oo muujinaysa xaqiiqada jiritaankooda. Suldaanka beesha uu ka soo jeedo Axmed Muumin Seed, Suldaan Dhawal ayaa hore ugu dhawaaqay in beeshiisu arrintaa darteed ay wada tashi ka yeelan doonto halka ay u jihayn doonto masiirkeedda siyaasadeed, isla markaana doodda Suldaanka ayaa u dhadhamaysay hanjabaad ku socota xisbiga Waddani.

Dadka siyaasadda falanqeeya qaar ka mid ah ayaa rumaysan  Axmed Muumin Seed shaqsiyan in aan hankiisa siyaasadeed boos uga banaanayn dhanka Kulmiye iyo xukuumadda, taana waxay ku sababeeyeen tiradda masuuliyiinta ay isku beesha yihiin Axmed ee xilalka ka haya xukuumadda oo badan, sida wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Cabdilaahi Dheere, Gudoomiyaha hay’adda Shaqaalaha dawladda iyo masuuliyiin kale,oo uu loolan ka dhex dhici karo haday u arkaan inuu duulimaad ku yahay kuraastooda. Kuwaasoo marka horeba loo tirinayo inay meesha ku joogaan taageeradda beeshooda oo ay haystaan, marka loo eego Axmed Muumin Seed.

Comments are closed