|

Axmed Muumin Seed oo Shaaciyey inay Maxkamad ku kala Calaf-qaadayaan Gudoomiye Cirro & Jawaabaha Musharrixiinta la Doortay

Hargaysa 24.October 2016 (SDN/QJ):-  Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, ahaana Musharrax u tagaan jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbigaas oo doraad loo doortay Dr. Maxamed Cali oo ahaa Musharraxa labaad ee jagadaas u taagan, ayaa caddaalad-darro ku tilmaamay qaabka doorashadu u dhacday.

musharrixiinta-waddani-loo-doortay-iyo-axmed-muumin-2016Hase-yeeshee, waxa iyaguna dhankooda ka hadlay Cabdiraxmaan-Cirro iyo Maxamed Cali oo loo kala doortay jagooyinka Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Waddani, waxaanay sheegeen inay ka daba-tegi doonaan oo ay wahadal la bilaabi doonaan Axmed Muumin oo isagu hanjabaad iyo eedayn u jeediyey.

 

Axmed Muumin Seed oo BBC-du waydiisay waxa mustaqbalkiisu noqonayo iyo tallaabada uu qaadayo, waxa uu ku jawaabay; “Dacwad baan furan doonaa oo aan Maxkamadda geyn doonaa, wax kasta oo ay Maxkamaddu ii xukuntana waan u hoggaansami doonaa.”

Axmed Muumin Seed Waxaa kale oo uu Ku dooday inaanu Xisbiga Waddani Weli ka Bixin ee uu Yahay Gudoomiye Ku Xigeenkii 1aad Isla markaana aanay Dhici Karin in la Yidhaa Waa lagaa Qaaday Xilkii Gudoomiye Ku Xigeen.

 

Geesta kale, Musharraxa loo doortay jagada Madaxweyne Ku-xigeenka ee Xisbiga Waddani Dr. Maxamed Cali, ayaa ka hadlay waxa dhacay iyo cadhada Axmed Muumin, waxaanu yidhi; “Xisbiga dhexdiisaannu u tartannay aniga iyo Walaalkay Axmed, Xisbiga dhexdiisa laguma kala guulaysto, guushu waxa weeyaan tartanka dambe ee ay Xisbiyadu ku tartami doonaan oo aannu rejaynayno in Waddani ku guulaysto talada dalka, taasaa guul ah, tani waxay ahayd gudaha Xisbiga oo ma odhan karo waa guul ee labadayada mid uun baa ku guulaysan lahaa.”

 

Dr. Maxamed Cali oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey caddaalad-darrada uu Axmed Muumin tirsaday oo isagoon Xisbiga dadka u soo halgamay ku jirin laga horreysiiyey, waxa uu yidhi; “Taasi waa fikrad walaalkay qabo. Laakiin, waxa jiray Shir-guddoon oo uu lahaa Shirku, taa waxaad waydiin Shir-guddoonka ee aniga maaha qofka sheegi kara doorashadu Caddaalad ma ahayd mise may ahayn? Golaha dhexena waan ku jiraa, Guddiga fulintaan ku jiraa, aasaasayaashii Waddani baan ahaa, taa cid dafiri kartaana ma jirto. Shirkii 2012-kii, anigaa uga tanaasulay Axmed Muumin Seed jagada Guddoomiye Ku-xigeenka, haddaanan joogin Ururka markaa kama tanaasuleen, ee anoo danta Ururka eegaya anigaa iskay uga tanaasulay oo idhi Ururku ha innoo soo baxo. Wixii uu cabasho ka muujiyo Shirkana Shirguddoonkay khusaysaa ee aniga ima khusayso.”

 

“Walaalkay Axmed maaddaama oo uu Xisbiga intaas ku soo tabcay, aniguna ku soo tabcay, Rejo wayn baan ka qabaa inaannaan aniga iyo walaalkay Axmed meel kala tagaynin oo ah in Shaqadayadu halkii uun ka sii socon doonto, oo aannu gacmaha is-qabsan doonno, waxaanan xaqiijinayaa inaan Walaalkay ka daba tegi doono sida ugu dhakhsaha badan oo aannaan waxba isla waayi doonin. Ta labaad waxaan ku kalsoonahay waxay ku kordhiso mooyee inaanay taageeradii gobolka waxba ka beddeli doonin.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Maxamed Cali.

 

Sidoo kale, Guddoomiyaha Waddani ee loo doortay Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey saamaynta ka bixitaanka Axmed Muumin ku leedahay Waddani, inay wadahadal la galayaan iyo qorshohooda kan xiga, waxa uu yidhi; “Axmed waa Nin nagu qaali ah, waa Guddoomiye Ku-xigeenkii koowaad, waa Nin Xisbiga u soo kifaacay oo wax badan la shaqeeyey, waa Nin qiimo weyn aniga shaqsiyan igu leh. Anigu labada Musharrax Axmed Muumin Seed baan u codeeyey oo aan farta u taagay, markaa sababtuu uga baxay Axmed isagaa garanaya, markii lagu dhawaaqay Musharraxa koowaad ayuu baxay, wax cod ahiba ma dhicin marka uu baxay… Axmed waxaan rumaysnahay inaanu Xisbiga ka baxaynin, waa Saaxiibkay, wuxuu tabanayo waan ka wadahadlaynaa, Xisbigani waa Xisbigiisii, waana Ninka labaad ee ugu sarreeya Xisbiga.”

Comments are closed