“Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),markii uu ahaa Guddoomiyaha KULMIYE, waxa uu ku doodayay in Sagaal xubnooda komiishanka laga dhigo anaguna taas ayuunbaa weli ku taaganay” C.raxmaan Cirro
Hargaysa 01.Sep 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana ah, guddoomiyaha Xisbiga Mucaarikd ah ee WADDANI Md.. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa ka hadlay, tirada komiishanka doorashooyinka iyo sida uu u arko taagta fariimaha siyaasadeed ee Somaliland ee ku waajahan beesha Caalamka
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) waxa uu ku celiyay inay ku adkaysanayaan soo jeedintii ahayd in guddida doorashooyinka Somaliland la kordhiyo, iyada oo laga dhigayo Sagaal xubnood, waxaanu yidhi “Kamanaan laaban,laakiin ilaa hada Dastuurku 7-xubnood ayuun buu sheegayaa,Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Madaxwaynaha Somaliland,markii uu ahaa Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, waxa uu ku doodayay in Sagaal xubnooda komiishanka laga dhigo anaguna taas ayuunbaa weli ku taaganay”.
Gudoomiye Cirro waxaa kale oo uu ka hadlay sida uu u arko taagta fariimaha siyaasadeed ee Somaliland ee ku waajahan beesha Caalamka.
“Waxaan isleeyahay fariimihii Somaliland looga baahnaa ee arrintaaasi ku saabsanaa saani inoogamay wada bixin,waa laga yaabaa qolyaha Mucaaridka ku ah Somaliland farriimahoodu inay ka bateen kuwa Somaliland gudbinayso, markaa wakhtigii beesha caalamku tidhi Taleex ka baxa Madaxweynuhu wuu noo yeedhay si looga wada tashado arrintaasi, waxayna ahayd in xukumadda, Axsaabta iyo goleyaasha oo wada socdaa Beesha caalamka u tagaan, taana xukumaddaa ka baxday. xukumadduna haddii ay hawshaa ku filan tahay oo kaligeed qabanayso waanu ku hambalyeynaynaa, maalintaasna waxaanu ku nidhi haddaydaan ku filayn diyaar baanu u nahay inaanu garab idin siino”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.
Hargaysa SDN/QJ