|

“Axmed Godane waa nin ISAAQA, nin aan odaygiisii ahay weeye oo ma diidani , laakiin camalka iyo hawshaa uu waday kumaanu raacsanayn” Boqor Buur Madow Waraysi

Hargaysa 11.Sep 2014 (SDN/QJ)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Ogaal kaga hadlay arrimo la xidhiidha, tabashadii Salaadiinta reer Awdal u soo gudbiyeen Madaxweynaha iyo saluugii ay ka muujiyeen saami qeybsiga talada dalka. Isla markaana waxa kale oo uu boqor Buurmadow uu kaga hadlay arrimo la xidhiidha dilkii hogaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane iyo Warar la xidhiidha oo ka soo yeedhay dhinaca maamulka Muqdisho,kuwaas oo Somaliland ku tilmaamay inaanay soo dhawayn falkaa.

Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

S: Boqor Cismaan Sideed u aragtaa tabashada Saami-qeybsiga ee Salaadiinta reer Awdal u qadimeen Madaxweynaha, guddidana loo saaray?

J: Somaliland beelaha badan ee ku wada nool, beesha ISAAQ iyo beesha reer Awdal ee Samaroon, ayaa ugu baddan wixii manfaca ee dalka dalka soo galay, waayo,si dhamaystiran ayay Somaliland uga mid noqdeen, manfaceedana iyagaa ugu badsaday. Waxaan odhan karaa Saami qaybiga ay reer Awdal ka hadlayaan mid gar uma laha, waxay ka hadlayaan uun mindida daabkeeda aan qabano, waxaan qabaa inay qabteen oo ay madaxweyne yeesheen, oo ay dadka iyagu wax u qeybiyeen oo ay kursiga joogeen. inay Kuraasida hoose ku soo dhacaan iyagaa damacoodii iyo hankoodii siiyay, inay Madaxweynahoodii ridaan, oo ay ku xigeen doontaan, markaa waxay raali ku noqdeen, inay cid ku canaantaan   taa gar uma laha. Markaan anigu taageerayay Daahir Rayaale Kaahin, meesha aan taageerada ka waynay ee lanagala dagaalamay waxay ahayd Awdal. Madaxweyne Daahir Rayaale waxa uu ka dhacay Boorame,halkaasaa lagala dagaalamay, Ilaa iyo imikana waxay u tartamayaan madaxweyne ku xigeen, meel tallo Isaaq iyo beel ahaanba aanu ku nidhi madaxweyne ma doonan kartaan ma jirto, iyaga hankoodaa raba, madaxweyne ku xigeenka ayay rabaan ee ha iimsadaan. Ta labaad markii aanu odayaasha (Salaadiinta) is-waraysanay, meesha ugu wayn ee cabashadu ka jirtay, waxay ahayd Wasaarada Maaliyadda oo ay lahaayeen waxa la qoray shaqaale gaadhaya 1500 (Kun Iyo shan boqol), intuba dhinac ayay ka raran yihiin.

S- Markaa ma shaqaalaha wasaaradda maaliyadda wax ha nalaga siiyo, ayaa qorshahooda ugu wayni ahaa?

J- wasaaradda maaliyadda kun iyo shan boqol oo shaqaale la qoray ah, shan baa nalaga siiyay ayay odayaashu markaanu iswaraysanay igu yidhaahdeen. Dee waxaan ku idhi anaguba shantaa ma hayno hadaanu beelahayaga kale nahaye, ninka Wasiirka ka ah Wasaaraduna madaxweyne ayuu doonayaa dabadeedna kalsoonida reerkiisa inuu marka hore bineeyo, dee intaa yar ugu dul-qaadano, waa nin madaxweyne doonayoo beeshii buu ka soo bilaabayaa baan ku idhi. Cabatinkaa anaba waa idinla qabnaa baan   ku idhi, laakiin kursiga sare dee idinkaa diiday, inaad idinku wax qaybisaan, oo idinkaa madaxweynii riday ee iimaansada wixii nasiibku idin siiyo. Waxaanan qabaa madaxda sare ee dalkan soo martay, Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur),Cigaal iyo Siilaanyo oo ugu danbeeyay, anaga intaa beeshayada ka soo jeeda nin cariish ka samaystay intii uu dawlada joogay ma jiro. Guryaha ugu waawayna waxa ka dhistay Daahir Rayaale Iyo Saylici baa ka dhistay dawladatan. Waxa qudha ee ka maqani waa waxaa ay iyagu diideen, inay dadka wax u qaybiyaan, ee cabatin kale meesha kuma jiro’e, waxaan leeyahay, beeshu way geydaa inay dalka xukunto doorashada gala, annaguna waanu idinku taageeraynaa. Xukuumadana waxaan leeyahay mar haddii hadalba yimi oo odayaashu hadleen, fool-xumooyinku waxay ka dhashaan cid wax tabanaysa oo la dhaahin waayay,waana ta ugu liidata, markaa waa in tabashadaa hoos loo eego. hadal taagtaaganina waxba ma tarayo, qaran cadaawad fara baddan iyo rabshad ayaa inagu furan haddii aynu nahay Somailand ee aynu waxeena hoos u eegano. Odayaashana runtii masuuliyad ayaa iga muuqatay oo cabasho ha keenaane, may ahayn niman ku talax tegaya.

S: Boqor Cismaan, marka la eego saami qaybsiga Awooda talada waddanka miyaanay kula ahayn in dib loogu noqdo?, haday tahay beesha dhexe iyo haday noqoto beelaha darafyadaba?

J: Madaxweyne Kasta oo soo maray Somaliland gobol kasta ha ka yimaadee wuxu sidan ayay u jiitamaysay, meesha ugu daranina waxa weeyaan awoodaha, ayaa waxay siinaysaa awooda in madaxweynuhu leeyahay, isagu siduu doono marka ha u dhigo, taasina waa arrin Dastuur. Anigu mar walba waxaan leeyahay, oo aan anigu qabaa inmar walba beelaha darafyada la raali-geliyo.

S: laakiin, Boqor Cismaan markaad eegto saddexdii waaxood ee ay dawladdu ka koobnaydba, waxay Salaadiinta AWDAL iyo beelaha kale ee darafyaduba ku doodayaan in saddexdiiba beesha dhexe (ISAAQ) gacantoodii ku uruureen oo Xitaa Wasaaradihii waaweynaa ee awooda lagu qaybsan jirayna ay Isaaq gacanta ugu wada-jiraan, markaa miyaanay daw ahayn cabashadu?

J: Anigu Madaxweynahana dhawr jeer baan u soo jeediyay, xukuumadana waan u soo jeediyay, wixii tabasho ah ee wasaaradaha ah dawladda Madaxweyne Siilaanyo ah, kuwii horena sidaas ayay ahayd, tana budushii wadadii horay raacday, markaa tana ha la saxo ayaanu leenahay, laakin markii uu Daahir Rayaale joogayba sidaas uun bay ahayd ee wax dawladan cusubi keentay maaha. laakin anigu waxaan leeyahay taa ha la saxo oo si wanaagsan ha la isugu qeybiyo, oo weliba haday cidi cabanayso beelaha harti iyo abtiyaday ayay xagooda ka jirtaa, oo qoladani marna madaxweyne ku xigeen kamay dhicin, wasaaradaha waawayna mar walba waxooday ka qabanayeen, markaa waxaan soo jeedin lahaa marka hore inaynu labadeenan beelood ee xukunka u badsaday xagan bariga wax isu dhaafino.

S: Boqor Cismaan dhawaan waxa la dilay amiirkii al shabaab, dawlada somalilandna way ka hadashay, hase yeeshee waxaad moodaa maamulka Muqdisho iyo warbaahinta koonfurta soomaaliya inay xoog carabka ugu hayaan Somaliland, oo ay leeyihiin si fiican ugamay hadlin, iyagoo ujeeda in marxuumku ka soo jeedo halkan, maxaad ka odhanaysaa taa?

J: horta, Walaalaheena Koonfureed waa dad aanay aqoontoodu siinin inay xisaabtamaan, oo ay ku darsadaan xisaab waxay ka hadlayaan ama gar iyo cadaalad wax u eegaan. Axmed Godane waa nin ISAAQA, nin aan odaygiisii ahay weeye oo ma diidani oo nin Isaaq weeye, laakiin camalka iyo hawshaa uu waday kumaanu raacsanayn, kala mabda’ baanu ahayn, raalina kamaan ahayn dagaalka uu waday. Laakiin waxa weeye, aamuska aanu ka aamusnay anagu intay ka hadlayaan, anaga (Somaliland) dhaqan ahaan qabyaalada dawlada Koonfureed ka shaqaynayso ama walaalaheena Koonfureed ka shaqaynayaan, ayaan noo ogolaanayn in aanu amaano oo soo dhawayno geerida Axmed Godane, sababtoo ah Shariif Axmed Iyo Axmed Cabdi Godane wax ayay wada aaminsanaayeen. Koonfuri waxay ogolaatay inay Sheekh Axmed u doorato Madaxweyne halkii uu denbiile ka ahaa oo uu hogaaminayay dagaalkii Maxkamadaha Islaamiga, Sheekh Axmed Madoobe oo Jubbaland hadda haystaana, waa ninkii ay isku fikirka ahaayeen Axmed Cabdi Godane, ee ay Diinsoor ka wada dagaalamayeen, ee maxbuuska dagaal loo qabtay, intay Beeshiisii argagixisadii ka saartay, inay durbaanka u tunto oo ay madaxweyne ka dhigto, Xasan Daahir Aweys oo waxan oo dhan abuuray oo xitaa loo diiday in la xidho oo ay ka dagaalameen, oo uu ku casuuman yahay Madaxtooyada Soomaaliya, inaanu markaa dilkii Axmed Cabdi Godane soo dhawayno dhaqan ahaan ayaan noo saamaxayn. Laakiin Fikirka uu waday Axmed Cabdi Godane maaha fikir aanu aaminsanayn, laakin waxaanu cambaareynaynaa marka ay beelaha kale kuwooda cambaareeyaan, markay kuwooda madaxweynayaal iyo lama taabtaan ka dhigaan, anagu kaayaga maxaanu u sheeganaynaa, waa nin dhintaye Alle ha u naxariisto, waanu tacsiyaynaynaa.

Hargaysa SDN/QJ

Xigasho Wargayska Ogaal

 

Comments are closed