|

Axmed Cabdi Xaabsade oo la wareegay xilka wasiirnimo ee dhowaan loo magacaabay

Hargeysa 20, March 2012 (Qurbejoog.com)- Wasiirka cusub ee wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Mr. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay wasiirkii ka horeeyay Prof. Ismaaciil Muumin Aare oo dhowaan Madaxweynaha Somaliland xilka ka qaaday.

Munaasibad loo sameeyay xil-wareejintaas oo lagu qabtay hoolka guriga Shaqaalaha, waxa uu ka qaybgalay labada masuul ee xilka kala tirsaday, wasiirka Ganacsiga, xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.

Ugu horayn, wasiir kuxigeenka wasaaradda Hawlaha guud iyo Guriyeynta Somaliland Mr. Cali Cabdi Saa’iq oo ka hadlay, waxa uu faahfaahin ka bixiyay qaab-dhismeedka wasaaraddaas.

Waxa uu sheegay in wasaaradda Hawlaha Guud ay haatan ka hawlgalaan 167 shaqaale ah.

Wasiirkii hore ee wasaaraddaas Prof. Ismaaciil Muumin Aar oo hadal ka jeediyay munaasibadaas, waxa uu ka waramay waxyaabaha u qabsoomay muddadii uu xilka hayay. Waxa uu sheegay in wasaaraddu tahay mid hawl culus u haysa qaranka, sidaa aawadeedna loo baahan yahay in muhiimad gaar ah la siiyo horumarinteeda.

Prof. Aare waxa uu sheegay in muddadii uu wasaaradaas joogay ay diyaariyeen shuruuc la xidhiidha dhinaca dhulka iyo guryaha dawladda iyo qorsheyaal kale oo muhiim u ah hawl-socodsiinta wasaaraddaasi u xilsaaran tahay.

Wasiirka cusub ee Hawlaha guud ee Somaliland Mr. Axmed Cabdi Xaabsade oo laga soo bedelay wasaaradda Warfaafinta oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu u mahadceliyay wasiirka uu xilka kala wareegay oo uu amaanay waxyaabaha uu qabtay.

Mr. Xaabsade waxa uu tilmaamay in wasaaraddu tahay mid hawl balaadhan u haysa qaranka, sidaa aawadeedna uu ku dedaali doono sidii uu u horumarin lahaa.

Qurbejoog,com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed