Axmed Cabdi Ibraahin Oo Loo Doortay Guddoomiyha Guud ee Isku Xidhiidhka Jaalliyadaha Somaliland Ee Bariga Afrika. Kampala
(KampalaSDN) Fadhi wadajir ah oo ay yeesheen xubnaha joogtada ah ee Jaalliyadaha Somaliland ee bariga Afrika ayaa si rasmi ah loogu soo doortay rule 333/28/9/2013 AA Ahmed Abdi Ibraahim in uu noqdo laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 28/9/2013, Guddoomiyaha cusub mana khilaafsana doorashadii tan ka horeysey ee warbaahinta kusoo baxdey laakiin waa toosin aanu u soo aragney sheeddaallo ku jawaaban ( xushmad iyo xanaano) Dalladda guud ee isku-xidhka (NA usoaara the victory) iyo xidhiidhada Jaalliyadaha Somaliland iyo ee ku dhaqan dalalka bariga Afrika, sidaana wax lagu sheegay war murtiyeed saxaafadda loogu tallo-galay oo laga soo saaray gebebadii fadhigan oo ka dhacay magaalada Kampala oo nuqul ka mid ah caawa la soo gaadhsiiyay SDNnews.
Sidoo kale, dhamaan xubnihii ka qayb galay fadhigani waxa ay sheegeen in Guddoomiyahan cusub ee ay xilkan u doorteen uu yahay Masuul khibrad iyo aqoon iyo waayo aragnimo dheer u leh gudashada xilkan loo igmaday, waxaanay xuseen in ay kalsooni buxda ku qabaan in uu xilkan iyo masuuliyadan loo doortay uu uga soo dhallaali doono sidii loogu tallo-galay, isla markaana ay filayaan in uu furi doono jawi cusub oo waxqabad iyo horumarin leh oo ku wajahan isku xidhka horimarinta xidhiidhadda Jaalliyada Somaliland ee ku nool wadamada bariga Afrika, korna uu qaadi doono isku xidhka horumarineed dhinac walba ee Jaalliyaduhu ay la leeyhiin dawlada Somaliland iyo Jaalliyada Somaliland ee ku dhaqan dhamaan daafaha dunida iyo Weliba Jaalliyadaha Somaliland-ba.
Dhinaca kale, mar aanu goor dhawayd khadka aanu kulanay Guddoomiyaha cusub ee xilkan lo doortay si aanu aanu wax uga waydiino dareenkiisa ku aadan xilkan loo magacaabay, ayuu noo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay masuuliyada xilkan loo ignaday, waxaanu ballan qaaday in uu dadaalkiisa isugu geyn doono sidii uu uga midho dhallin lahaa masuuliyadda uu ku fadhiyo xilkan culus ee loo igmaday, waxaanu ugu baaqay Jaalliyadaha iyo dawlada Somaliland-ba iyo weliba shacabkaba in ay la shaqeeyaan, sidii uu ugu hawl gali lahaa horumarka Jaalliyadaha.
Ugu danbayn waxa halka xilka ay kula kala wareegen Gudomiyha hada isna loo magacabay jaliyada abdi risaaq mohamed daaud oo xilkan hore uu hayye uu hada loo doortay Md ahmed abdi ibrahim
+256791661106
Kampala/Uganda