“Author Archive”
Hargeysa February 17, 2024 (QJ) -Golaha Guurtida Somaliland ayaa marlabaad cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka doorashooyinka Somaliland xeer Lr.91. Golaha guurtida Somaliland ayaa wax ka bedel ku sameeyay xeerka doorashooyinka ka dib markii uu dhawaan madaxweynuhu dib ugu soo celiyay golayaasha sharci dejinta kadib markii ay soo baxeen qodobo la isku khilaafay. Golayaasha Guurtida […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Jilib Februry 17, 2024 (QJ) -Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay dhinteen labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba, kuwaasi oo muddo sanado ah afduub loogu heystay degmada Jilib. Warbixin ay soo saartay kooxdaasi ayay ku sheegtay in dhaqaatiirtan lagu dilay weerar ay ciidamada Mareykanka ee taageeraya ciidamada Soomaaliya ka fuliyeen magaalada Jilib. Dhakhaatiirta […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho February 17, 2024 (QJ) -Shir ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka, iyo Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa horumarinta dhaqaalaha, hannaanka maaliyadda dalka, iyo mideynta canshuuraha dalka. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo si rasmi ah u furay […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Addis Ababa February 17, 2024 (QJ) – Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa faah faahin ka bixiyay dhacdadii dhawaan lagu hor istaagay wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugnaa Addis Ababa oo ka qeyb geleyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika. Cali Balcad waxa uu sheegay in aroortii Madaxweynaha oo damacsanaa in uu ka baxo Hotelka, si […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
QATAR (QJ) -Negotiations for a cease-fire deal in Gaza appear to be strained. The high delegation from Israel has returned from Cairo, and there has been no news from Hamas regarding their position in the past few days. Hamas this month made a detailed proposal for a four-and-a-half-month ceasefire and prisoner exchange deal. Israeli Prime […]
Posted in news in English | Read More »
Muqdisho February 16, 2024(QJ)-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federalka Somaliya, C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhaliilay safar uu ku tagay dalka Itoobiya. C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay mid lagu degdegay oo aan si taxadar leh looga fiirsan. Wuxuu sheegay in dowladdu ay dooneyso inay […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho February 16, (QJ) -Wasiirka Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in Soomaaliya markii ugu horeysay sanadka 2024-ka ay soo saari doonto qeybteedii ugu horeysay ee kalluunka kasoo go’a dalka. Wasiir C/risaaq Cumar oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in dadaallada lagu soo saarayo Kheyraadka Shidaalka Soomaaliya […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho February 16, 2024 (QJ) -Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in dhamaadka sanadkan lagu bedelo ATMIS-ka Midowga Afrika ciidamo shisheeye. La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Cali oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay inay socdaan qorshayaal socda, mana cadda illaa hadda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya inay noqon doonaan. Ciidamadan cusub ayaa la farayaa […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeisa February 14-Somaliland ayaa beenisay inay khalkhal galisay hawada Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay war ka soo baxay dowladda Soomaaliya mid been abuur ah. War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka hawada Somaliland ayaa taa beddelkeeda lagu eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka dambeyso arrintan oo ay qaaday tallaabooyin mas’uuliyad darro ah. Hadalkan ayaa jawaab u ah wararka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho February 15, 2024 (QJ) Waxaa soo baxaya faah faahin ku saabsan weerar xalay fiidkii kooxo hubeysan ay ku qaadeen xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Madaafiicda lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa waxay ku dhaceen xaafado ku dhow dhow Wasaaradda, iyadoo ay waxyeelo soo gaartay dad rayid ah. Dhowr qof oo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »